U bood dhigaalka

Gudoomiye Jawaari “Caalamka iyo dadka kale hanoo daayaan inaan dhexdeena xalka gaarno” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari
Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka dalbaday beesha caalamka in baarlamaanka loo daayo xalinta khilaafka ka dhaxeeya madaxda dalka, si Soomaalida ay isku xaliyaan.

Isaga oo arimahaan ka hadlayay ayuu sheegay in horay ay u arkeen arimaha hadda jira oo kale, hase ahaatee ay iyaga xalka ka gaareen, tanna ay ku haminayaan in la xaliyo.

Khilaafka jira waxa uu sheegay in uu ka yara culus yahay kuwii horay usoo jira, balse Jawaari ayaa sheegay in Baarlamaanka isaga looga baahan yahay inuu barto wax walbo sidii xal looga gaari lahaa.

Dhanka kale Jawaari ayaa sheegay in ugu horeyn uu isku keeni doono Xildhiabaanda ku kala aragtida duwanaaday mooshinkii dhawaan laga keenay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, gaar ahaan gudiyo ay iska soo xulaan si looga wada hadlo waxa jira.

“Hay’adahaan hadaan loo deynin wixii lasoo dersi, hadii aysan iyagu isku dayin oo aysan sameynin, hala kufaan, ha guur guurtaan, hala kacaan, waa inay bartaan iyagu inay xalin karaan mushaakilkooda, caalamka iyo dadka kale hadaan u baahnno talo hana siiyaan, laakiinse hanoo daayaan anaga inaan xalisano, waa arin horay noo soo martay, mahad ilaahay waan xalinay, tan waa ka yara duwan tahay, waana ka yara dhib badan tahay, laakiin iyadana waxaan ku rajo weynahay inay banaanka ku dhamaan doonto, waxaan ku dadaalayaa marka hore in Labada Garab ee Xildhibaanada isku soo dhaweeyo, gudiyo iska soo saaraan, wadahadalna ka yeeshaan” ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

Hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa imaanaya xilli xildhibaanada baarlamaanka ay ku kala qeybsameen mooshin laga keenay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News