U bood dhigaalka

Akhriso: Nuxurka shirkii Copenhagen (War Murtiyeed)

Sheeko:Dalka

CopenhagenHalkan waxaan idinkaga soo gudbineynaa war murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Copenhagen ee Soomaaliya loo qabtay, waxaadna akhrisan kartaan qodobadii lagu heshiiyey

Nuruxka Shirkii Copenhagen : War Murtiyeed

  1. 1. Shirkii ugu horeeyey oo sanadle oo heer wasiir ah ayaa lagu qabtay magaalada Copenhagen intii u dhaxaysay 19-20ka bishan Nofeembar, waxaana shirkani isla gudoomiyey Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Qaramada Midoobey, waxaana shirka marti galisey dowladda Denmark
  2. Konton iyo lix wafti ayaa isugu timid dib u eegista horumarkii la sameeyey tan iyo markii la qabtay shirkii Brussels ee Hiigsiga Cusub bishii Sebteembar 2013-kii, waxaa la isla eegey caqabadaha lala kulmey sanadkani 2014-ka iyo dabcan dajinta muhiimadaha sanadka 2015-ka.
  3. Waxaa la ansixinta heshiiska Hiigsiga Cusub iyada oo la xariiqayo wajiyo cusub oo xiriir siyaasadeed ah kaasi oo ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka. Heshiiska Hiigsiga Cusub waa mid dowladda Soomaaliya ku ridaya dariiqii ay ku gaari lahayd nabad, xasilooni iyo midnimo Soomaalida dhexdeeda ah, iyada oo beesha caalamka ay ka go’antahay in ay taageerto Soomaalida.
  4. Waxaan soo dhaweyneynaa warbixinta ku saabsan horumarka laga sameeyey Heshiiska Hiigsiga Cusub, warbixinta waxaa ku jirta mid si gaar ah u quseysa waxa loo qoondeeyey Somaliland. Tani waa talaabadii ugu horeysey oo loo qaaday dhanka tixraaca iyo helista warbixin la xiriirta waxyaabaha ka qabsoomey heshiiska. Waxaan sii wadi doonaa isticmaalka qodobada asaasiga u ah dib u dhiska wadamada taagta daran iyada oo lagu salaynayo isla xisaabtan ka dhaxeeya laamaha dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka, waxaana arrinkani saldhig u ah lahaanshiyo hogaaminta Soomaalida si horumar loo gaaro. Waxaan dowladda federaalka ku dhiirogalineynaa in ay sii wado dadaalkeeda ah in laga shaqaysiiyo heshiiska, iyada oo laga qeybgalinayo maamul goboleedyada.
  5. Waxaan xoojineynaa baahida ay dadka Soomaalida u qabaan in ay arkaan natiijooyin la taaban karo, kuwaasi oo dadka la gaarsiiyey illaa heer degmo. Si aan tani u meelmarino waa in aan ka shaqaysiinaa gudiyada loo xilsaaray hawsha, lana bixiyo cadadkii loogu talogalay kheyraadka ay howlaha ku fuli lahaayeen. Waxaan aqoonsanahay baahida loo qabo in la abuuro sanduuqyo gaar ah, kuwaasi oo ay maamulaan Bangiga Adduunka iyo Qaramada Midoobey kuwaasi oo laga maalgalinayo qorshayaasha ay tahay in ay fulaan. Inta soo hartay waxaa maamulaya Bangiga Horumarinta Afrika iyo Hey’adda Lacagta Adduunka
  6. Waxaan qireynaa waxyaabaha qabsoomey labadii sano ee lasoo dhaafay iyo horumarkii laga gaaray xagga xasiloonida, nabada iyo barwaaqo gaarsiinta Soomaaliya. Waxaa muhiim ah in aanan marnaba la qasaarin horumarka la sameeyey. Waxaan walwal ka qabnaa xiisaha siyaasadeed ee haatan jira. Waxaan qireynaa baahida loo qabo in la helo xasilooni siyaasadeed, lana dardar galiyo hawshii fulinta. Waxaa lasoo gaaray xiligii la heli lahaa siyaasad dadka ka wada dhex muuqdaan iyo midnimo qaran. Waxaan ugu baaqaynaa in hogaanka dowladda Soomaaliyeed ay midoobaan, ogaadaana in xasiloonida ay muhiim u tahay gaarista Hiigsiga 2016-ka.
  7. Waxaan aqoonsanahay horumarka laga sameeyey dhismaha maamul goboleedyada. Dhamaystirka federaalka sanadka 2015-ka waa arrin udub dhexaad u ah dadaalka nabad kusoo dabaalista iyo horumarinta Soomaaliya. Waxaan dhinacyada oo dhan ku dhiirogalineynaa dardargalinta hawlaha dib u heshiisiinta kuwaasi oo caawin kara in la gaaro hiigsiga 2016-ka. Maamulada jira sida Puntland, maamulka kumeelgaarka ah ee Jubba, Galmudug,  iyo maamulada soo socda ayay tahay in dhamaantood ay ka wada qeybqaataan hirgalinta aragtida 2016-ka la tiigsanayo. Waxaan soo dhaweyneynaa horumarka laga sameeyey arrimaha maamul u samaynta Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Gobolada dhexe, waxaanan amaanaynaa dadaalka IGAD ay arrimahani ku bixisey.
  8. Waxaan sheegeynaa in ay muhiim tahay in laga fogaado wax kasta oo dib u dhac keeni kara in la fuliyo aragtida 2016-ka, waxaanan sheegeynaa in ay naga go’antahay in la qabto doorashooyin dimoqoraadi ah marka la gaaro sanadka 2016-ka. Si taasi loo gaaro Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay samayn doontaa gudi ka dhaxeeya gobolada oo wado tashi ah, waxayna tahay in dib u eegista dastuurka lasoo afmeero. Waxaan ku baaqaynaa in la dhiso dhamaan gudiyadii muhiimka ahaa sida gudiga doorrashooyinka qaranka, kan xuduudaha iyo federaalka. Waxaa kale oon soo dhaweyneynaa jadwalka loo dajiyey meelmarinta sharciyada yaala.
  9. Waxaan bogaadineynaa ciidamadda xoogga dalka Soomaaliya iyo AMISOM guulaha ay kasoo hoyiyeen dagaalka lala galay Alshabaab, anagana waxaan balanqaadaynaa in aan ku garab istaagto dagaalkaasi.
  10. Waxaa naga go’an in aan fulino balanqaadyadii lagu sameeyey shirkii London ee amniga looga hadlay, sida isku dhafka ciidamada xoogga iyo kuwa kale , taasi oo ay tahay in la fuliyo kama dambeys bisha Janaayo ee sanadka 2015-ka.
  11. Waxaan noo muuqda talaabooyinka la qaaday oo ah in ciidamada booliska Soomaaliyeed laga dhigo kuwa xirfadyahanimo ku shaqeeya, sida tabobarada la siiyey, darajooyinka la saxay, iyo dhanka anshaxa ciidamada. Waxaan soo dhaweynaynaa in ciidamo boolis ah la geeyo meelaha cusub ee la xoreeyey.
  12. Waxaan soo dhaweyneynaa horumarka laga sameeyey la dagaalanka burcad badeednimada, waxaanan dowladda ugu baaqaynaa in ay dajiyo qorshe ku aadan nabadgalyada badaha.
  13. Waxaan soo dhaweyneynaa horumarka laga sameeyey sharciga iyo kala dambeynta, hagaajinta garsoorka, sida Gudiga Adeegga Garsoorka.
  14. Waxaan dowladda Soomaaliya ugu hambalyeyneynaa wax ka qabashada maamulka maaliyadda, taasi oo ay ku jirto kordhinta canshuuro uruurinta, dajinta miisaaniyad wanaagsan, iyo waliba hubinta mushaaro bixin tixraac leh. Waxaa kale oo aan amaanaynaa hawsha gudiga isku dhafka ah ee Maamulka Maaliyadda, inaga oo gudigaasi ka codsanayna in uu shaqadiisa sii labo jibaaro, soona celiyo hantida Soomaaliya dibada oga maqan muddo 2 sanno gudahood ah. Waxaan qireynaa muhiimadda ay leedahay meelmarinta sharciga lagama maarmaanka ah iyo waliba xoojinta awoodaha xafiiska Xisaabiyaha Guud iyo kan Hanti Dhawrka Guud
  15.  Waxaan soo dhaweynaynaa damaca dowladda Soomaaliya ee ah in lagu shaqeeyo hufnaan iyo waliba dib u habaynta gargaarka caalamiga ah, iyada oo la kordhinayo kaalinta dakhliga gudaha uu ku leeyahay miisaaniyadda
  16. Waxaan dhiirogalineynaa go’aanka Sanduuqa Lacagta Adduunka ee uu dib oga hawlgalay gudaha Soomaaliya, iyada oo wadada loo xaaray in Soomaaliya laga dhaafo deymihii badnaa ee horey loogu lahaa
  17. Talaabooyin adag waa in laga qaadaa arrimaha musuqmaasuqa, tanina waxa ay udub dhexaad u tahay sharcinimada qaranka Soomaaliyeed. Waxaanan amaanaynaa go’aanka dowladda federaalka ah ee ah in ay samayso Gudiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa ee Qaranka.
  18. Waxaan aqoonsanahay muhiimada ay leedahay in la dhiso kaabayaasha dhaqaale, lagana yeesho siyaasad cad si dhaqaalaha dalka uu u kobco, waxaan ku baaqaynaa in la qabto shir caalami ah sanadka 2015-ka kaasi oo looga hadlayo dajinta muhiimado iyo hiigsiyo loo sameeyo dhismaha kaabashayaasha dhaqaale ee Soomaaliya.
  19. Waxaa aad noo damqinaya xaaladdaha bini’aadanimo ee Soomaaliya ka jira, in horumarkii la sameeyey illaa sanadkii 2011-kii wixii ka dambeeyey hadda dib looga dhacay. Waxaan qireynaa abaarta, daadadka, dagaalada iyo barokaca ka jira Soomaaliya. Waxaan qireynaa muhiimadda ay leedahay in galaangal loo helo degmooyinka dhibaatada ka jirta ee go’doonsan si wax loo gaarsiin karo, waxaanan taageersanahay in dhibaatada loo helo xal waara.
  20. Difaaca iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, oo ay ka mid tahay ka hortagista xadgudubyada dumarka loo geysanayo ayaa ah arrin fure u ah sumcadda dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo waliba in ay xajisato kalsoonida ay shacabka u hayaan dowladda. Waxaan soo dhaweyneynaa shuruucda la ansixiyey ee talaabooyinka looga qaadayo dadka xadgudubyada geystey.
  21. Waxaan aqoonsanahay kaalinta dumarka ay ku leeyihiin arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda Soomaaliya. Waxaanan soo dhaweyneynaa go’aanada laga qaaday ka qeybgalka siyaasadda ee dumarka iyo qoondada loo jaangooyey
  22. Waxaan aqoonsanahay wax ka qabashada baahida dhalinyarada ee Soomaaliya, waxaanan soo dhaweyneynaa dadaalka lagu dajinayo siyaasad qaran oo dhalinyarada ku wajahan
  23. Waxaa naga go’an in muddo lix bilood ah gudahood dib u eegis lagu sameeyo horumarka laga sameeyey xagga siyaasadda iyo amniga
  24. Gabogabadii waxaan dhamaan ka qeybgalayaasha oga mahadcelineynaa ka qeybgalkooda wanaagsan, waxaan dhigney asaaskii dowlad madax banaan, amni ah, dimoqoraadi ah , mideysan, oo federaalka oo Soomaaliyeed, taasi oo dhexdeeda nabad ah, dariskeeda ka nabad galaan. Anaga oo ka duuleynaa asaaskani waa in aan sii dhisnaa tiirarka xasiloonida, nabadda, sinaanta iyo barwaaqada

Goobjoog News