U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo kaa shanaya dad shacab ah iyo Al-shabaab ku dagaalamay Hiiraan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Dagaal-hDagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya dad shacab ah iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa ka dhacay deegaanka Qaba darri oo qiyaastii 30-km dhanka koonfur uga beegan degmada Buulo Burte ee gobalka Hiiraan.

Dagaalkaan ayaa la’isku adeegsaday hub aad u xoogan, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalkaan uu qarxay ka dib markii ciidamada Al-shabaab ay rabeen in dadka deegaankaasi ku dhaqan ay ka qaadaan sida la sheegay SAKO, hase ahaatee dadkii halkaasi deganaa ayaa hub lasoo baxay, iyaga oo garab markii dambe ka helay ciidamada Al-shabaab.

Cismaan Geedi Cilmi oo ah duqa degmada Buulo Burde ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in dagaalka uu yahay mid ku fiday dhul aad u badan, waxaana uu sheegay in Al-shabaab qasaare la gaarsiiyay, waxaana dhankooda uu sheegay in 2 askari ay ka dhimatay.

Mr Geedi ayaa dhanka kale sheegay in ciidamo ka mid ah dowladda Soomaaliya oo halkaasi ku dhaawacmay ay usoo qaadeen dhanka magaalada Muqdisho, dagaalkana weli uu yahay mid socda.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News