U bood dhigaalka

Kaalinta Dhalinyarada ay Ku Leedahay Wacyigalinta Dhalinyarada Kale oo Lagu Soo Bandhigey Hargeysa

Sheeko:Dalka

SODRADhibaatooyinka ugu waaweyn ee Soomaaliya ka jira ayaa dadka ay ku dhacdo waxaa ugu horeeya dhalinyarada haddii ay ahaan lahayd dagaalada ay ku dhibanayaan iyo tahriibka ay ku dhamaanayaan.

Hadaba si dhalinyarada loo wacyigaliyo ayaa waxaa lasoo hindisey in dhalinyarada kale, gaar ahaan kuwa hal abuurka ah ama tiring kara suugaanta qeybaheeda kala duwan loo adeegsado soo hanuuninta iyo u caqli celinta dhalinyarada, gaar ahaan kuwa tahriibka u darban.

Hey’adda Cilmi Baarista ee Sodra ee ka hawlgasha magaalada Hargeysa ayaa dhawaan qabanatay munaasabad balaaran oo lagu tartansiiyey illaa 10 dhalinyaro ah, kuwaasi oo kaalimo suugaaneed , gaar ahaan gabayga kaga qeybgalayay tartanka, iyada oo moowduuca ay ka gabyayaan uu ahaa tahriibka.

Sida ay qabto Nado Yuusuf Cumar oo ah ku xigeenka madaxa Sodra, dadka kaliya ee fariinta galin kara, kana dhaadhicin kara dhalinyarada tahriibeysa ay yihiin dhalinyaro kale, aysana micno samaynaynin in oday uu gabayo ka mariyo tahriibka.

Dhalinyaradii tartanka ka qeybgashay oo ay ka mid ahaayeen 2 gabdhood ayaa tiriyey suugaan kala duwan oo murtideedu badantahay taasi oo ka hadlaysa halista tahriibta, nacfiga iyo barwaaqada taala dalka hooyo, iyo waliba in qofka waqtigiisa dhalinyaronimo uusan ku qasaarinin dhalanteed iyo dhaldhalaal dibadeed, taasi badalkeedana uu wax u qabto dalkiisa oo u baahan.

Munaasabada ayaa soo jiidatay dad badan oo aad u danaynayay moowduuca tahriibka oo ah kan walwalka ugu badan laga qabo deegaanada Somaliland, waxaana dadkaasi ka mid ahaa Maxamed Axmed oo isagu sedex sano ka hor tahriib dhib badan ku galay Yurub, kadibna Hargeysa kusoo laabtay, halkaasi oo ahayd meeshii uu markii hore ka tahriibey.

“Marka ay dhalinyarada dhalooyinka iyo filimaanta ka daawdaan daaraha dhaadheer, dhismayaasha quruxda badan iyo nolosha horumarsan ee Yurub ka jirta ayay jecleystaan in ay halkaasi u tahriibaan, laakiin waxa laga filanayo iyo waxa meesha yaala ma ahan wax is leh, dhibka loo maranayana ma ahan mid u dhigma dheefta laga helayo, sidaasi darteed waxaan dhalinyarada ugu baaqayaa in dhulkooda ay ku xasilaan” ayuu yiri Maxamed Axmed oo sheegey in Yurub iyo wadamada kale uu ka jiro gumeysi iyo nolol aad u fool xun.

Sedex ka mid ah dhalinyaradii tartanka ka qeybgashay ayaa lagu dhawaaqay in ay galeen kaalimaha hore, waxaana la guddoonsiiyey lacago iyo hadiyado kale.

Waxaa kaalinta koowaad gashay gabadh aad u da’yar oo lagu magacaabo Deeqo Nuux, mar wax laga weeydiiyey moowduuca tahriibka ayay tiri “Dhalinyarada tahriibeysa ee qarashka heysta waa kuwa qarash heysta, waxaan leeyahay qarashkaasi ku maalgashada dalkiina hooyo”.

Dhalinyaradii ka qeybgashay tartanka intooda badan ma ahayn kuwa hal abuuro horey u ahaa, balse waa kuwa uu dareenka soo hinqiyey, maankooda uu kusoo maaxday kadib markii ay maqleen dhalinyaro badan oo asxaabtooda ah oo saxaraha iyo badaha ku dhintey.

Gudigii garsoorka suugaanta ee tartanka waxaa ka mid ahaa Axmed Aw Cali , wuxuu sheegey in isagoo suugaanta ku jirey wax ka badan 30 sano uusan waligiis arkin dhalinyaro kuwani la mid ah, wuxuu aad oga tacajubey murtida ku jirta suugaanta ay tiriyeen, Af-Soomaaliga sida ay hodanka oga ahaayeen, iyo waliba sida shucuurtooda ay ugu muujiyeen suugaanta, taasina ahayd waxa micnaha ugu weyn sameeyey.

Tartankani ayaa waxa uu qeyb ka yahay barnaamij balaaran oo maamul iyo shacaba ay qeyb ka yihiin oo dhalinyarada looga wacyi galinayo tahriibka.

Sanad kasta boqolaal dhalinyaro ah ayaa badaha ku hafta, kuwa kale ayaa saxara haraad ugu dhinta, kuwa kale xabsiyo muddo dhaadheer galaan, iyaga oo dhanka kale dalkii hooyo ka qaata kheeyraadka aadamiga ah oo aad loogu baahanyahay.

Dhageyso

W/Q : Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir (Saxansoxo)

W/D : Cumar Cali Xassan (Seerbiya)

Goobjoog News