U bood dhigaalka

Maamulka Baladweyne oo balan qaaday in ay gacanta kusoo dhigayaan ragii kufsaday Haween duleedka magaaladaasi marayay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha magaalada Baladweyne Maxamed Cismaan Cabdi Qalaafow ayaa ballan qaaday soo qabashada raggii ka dambeeyay haween lagu kufsaday duleedka magaaladaasi, isaga oo sheegay in cadaaladda la hor keeni doono.

Waxa uu shegay gudoomiyaha in ay wadaan baaritaan xoogan, islamarkaana ay ku raadjoogaan ragii ka dambeeyay Haween Afar ah oo la kufsaday.

Haweenkaan ayaa markii la kufsanayay waxaa Maleeshiyaad hubaysani ay kala dageen gaari ay saarnaayeen kaa oo maraayay deegaanka Bu’aqable ee duleedka Baladweyne, iyadoo sidoo kale la dhacay wax walba oo ay wateen dadkii gaarigaasi saarnaa.

Dhanka kale taliska booliiska magaalada Baladweyne ayaa sheegay in marnaba aysan raali ka noqon doonin waxyaabahaan oo kale in ay dhacaan, sidoo kalena lasoo qaban doono dadkii Haweenkaan Soomaaliyeed kufsaday.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News