U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigii la socday oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii la socday ee ku maqnaa magaalada Copenhagen ee dalka Denmark ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo ka hadlay safarkooda.

Wasiirka Arimaha dibada xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa saxaafadda faah faahin dheeraad ah waxa uu ka siiyay shirkii Copenhagen isaga oo sheegay in qodobo muhiim ah laga soo saaray.

Wasiir Beyle ayaa dhanka kale sheegay in uu soo baaxay baaq caalami ah, iskuna mid ah, isaga oo sheegay in dhamaan xubnihii Soomaalida ay ahaayeen kuwo si isku mid ah u wada hadlay, iyaga oo muujinaya isku duubni.

Dhiira gelin ayuu sheegay in ay kasoo qaadeen shirkaasi ka dib markii beesha caalamka xubnihii ka socday ay sheegeen in ay arkeen markii ugu horeysay Soomaali isku mid ah, islamarkaana hal meel u wada socota.

Wasiirka Arimaha dibadda ayaa sidoo kale sheegay in hadda loo baahan yahay in la laba jibaaro shaqada u taalo dowladda Soomaaliya.

Shirka Copenhagen waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya oo hogaaminaayay wafdi Balaaran oo ay ku jiraan 7-wasiir iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka socota maamulada dalka ka jira.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Wasiirka

Goobjoog News