U bood dhigaalka

Gudoomiye Jawaari “Ma yeelayo umana dulqaadanayo buuq, wareer iyo is hortaag shaqada Baarlamaanka” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maanta saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee Muqdisho ayaa sheegay in mar dambe aan loo dul qaadan doonin buuq iyo ishortaag shaqada Baarlamaanka ah.

Waxa uu ka dhawaajiyay in maalinta Isniinta ah uu kujiro kulanka Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana la keeni doono mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

“Maalinta Isniinta ah waxaa furmi doona baarlamaanka, waxaa laga hadli doonaa mooshinka oo aan hayay muddo 15, maalin ah, intaan ka badan ma hayn karo waan soo dhigayaa, waxaan uga digayaa, kana codsanayaa dhamaan xildhibaanada in haybadii uu lahaa baarlamanaka la ilaaliyo, xildhibaan walba xilkiisa guto oo uu u hadlo si xildhibaannimo ah, waxaan balan qaadayaa si daah furan, asluub wanaagsan ah, oo dimuqraadi ah qof walba xildhibaan ah in uu rayigiisa u jeedin karayo waqtiga noogu qoran xeer hoosaadka, ma yeelayo umana dulqaadanayo buuq, wareer iyo is hortaag shaqada Baarlamaanka” Ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

Dhanka kale gudoomiyaha ayaa ugu baaqay xildhibaanada in ay eegaan shaqada ay shacabka u hayaan, ayna isku diyaariyaan sidii ay ugu jeesan lahaayeen shaqooyin badan oo yaala.

“Waxaan rabaa dhamaan xildhibaanada inay u duubtaan in howlaha noo yaala aan u jeedsano, arinta taalana si dimuqraadi ah oo daah furan, qof walabana uu helayo xaqiisa xildhibaanada aan siin doono ayaan balan qaadayaa, mana loo dulqaadanayo buuq iyo ishortaag dambe waana ceeb”

Hadalkaan kasoo yeeray gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa imaanaya xilli Laba jeer uu fashil ku yimid kulan ay lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, ka dib markii ay buuq bilaabeen xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinka laga keenay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News