U bood dhigaalka

Maamulka degmada Kaxda oo sheegay in Roobkii dhawaan Muqdisho ka da’ay uu saameeyay barakacayaal ku sugan degmadaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Kaxda ee gobalka Banaadir ayaa sheegay in roobkii dhawaan ka da’ay magaalada Muqdisho uu saameyn xoogan ku yeeshay qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi.

Gudoomiyaha degmadaasi oo u waramay Goobjoog ayaa sheegay in saameynta ugu badan uu ku reebay dadka barakacayaasha ah eek u dhaqan halkaasi, sidoo kalena ay jiraan qasaare nafeed.

Dad ku sugan xerada Tarabuush ayuu sheegay gudoomiyaha in daad xoogan uu u galay halkii ay deganaayeen, islamarkaana uu halkaasi ku dhintay canug yar.

Dhanka kale waxa uu sheegay in hadda ay aad ugu daranyihiin dadka barakacayaasha ah, waxaana uu ugu baaqay hay’adaha samafalka iyo dowladda Soomaaliya in gurmad deg deg ah ay lasoo gaaraan.

Roob saacado socday ayaa habeen hore ka da’ay magaalada Muqdisho, waxaana saameyn uu ku reebay dadka barakacayaasha ah ee magaalada Muqdisho ku sugan.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News