U bood dhigaalka

Taliska Booliska Maxaas ee Hiiraan oo faah faahin ka bixiyay amniga degmadaasi

Sheeko:Dalka

BooliisTaliska Ciidamada Booliska Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in ay soo hagagayso ammaanka Degmadaasi, ka dib dadaalo ammaanka lagu sugayay oo ay sameyeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.

Taliyaha Ciidamada ee Degmadaasi Maxamed Muumin Sanay ayaa sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay saacadihii la soo dhaafay qaadeen, talaabooyin ay ku xaqiijiyaaan amaanka Degmada.

Taliyaha waxa uu intaa warkiisa ku daray in Ciidamada Dowlada ay isku fidiyeen degaano badan oo hoos yimaada Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

“Tan iyo markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay soo gaareen Maxaas waxay bilaabeen howlgalo amniga lagu xaqiijinaayo, islamarkaana lagula dagaalamayo cid walba oo isku dayda in amni xumi ka shaqeyso” ayuu yiri Taliyaha.

Dhanka kale Taliyaha Boolis degmada Maxaas ayaa sheegay in shacabka degmadaasi iyo ciidamada amaanka ay leeyihiin xiriir wanaagsan oo ku aadan ka shaqeynta amniga, si loo helo nabad iyo nolol.

Halkaan hoose ka dhageyso Warkaan oo uu soo diray Warye Khaalid Ilkacase.

Goobjoog News