U bood dhigaalka

Degmada Jowhar oo lagu soo gaba gabeeyay tartan kubadda Cagta oo lagu maamuusay is dhexgalka Bulshada (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Is dhex galka BulshadaMagaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe waxaa lagu soo gaba gabeeyay tartan ciyaar Kubadda Cagta ah, kaa oo soconayay maalmo badan, waxaana loogu tala galay isdhex galka bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Maamulka Degmada Jowhar oo gacan ka halaya Hay’ada maxali ah oo ka dhisan Magaaladaasi ayaa iska kaashaday qabashada Barnaamijkan kor loogu qaadayo Is dhaxgalka iyo iska warqabka dadka Magaalaxaasi ku nool.

Waxaa goob la gudoonsiiyay kooxda Kulmis oo ku guuleysatay koobka, iyadoo munaasabadda gaba gabada tartaankaan ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobalka Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiyaha Degmada Jowhar Maxamed Aamin Xaaji Caqiiil oo hadal ka jeediyay gaba gabada tartanka ayaa sheegay in ay sii socon doonaan Barnaamijyada lagu hormarinayo Nabadda, waxaana uu ku baaqay in ay gacmaha is qabsadaan shacabka ku dhaqan Afarta Waaxood ee degmada Jowhar.

Uljeedka Tartankaan ayaa ahaa sidii ay isku dhex gali lahaayeen shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe, waxaana jira barnaamijyo badan oo magaaladaasi lagu qabtay, kuwaa oo la xiriira arintani.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News