U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Wanlaweyn oo sheegay in ay qatiyaan ka joogaan Rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

WanlaweynMaamulka degmada Wanlaweyn ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in qatiyaan ay ka joogaan shacabka ku dhaqan degmadaasi, rag ku labisan dareeska ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaa oo dadka dhac u geysanaya.

Cabdi Xakiin Cabdulaahi oo ka tirsan maamulka degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in dhibaatooyinka ugu daran ay jiraan xilliga habeenkii ah oo dhac loo geysto dad shacabka ah.

“Habeenkii waxaa laamiga dhexdiisa ganacsatadii joogtay laga qaadanayo taleefanada gacanta ah iyo lacagaha ay heestaan, habeenkii shaqooyinka dadka wey iska daayeen, maxaayeelay amniga ayaa aad u xumaaday”

Shacabka ayaa dhankooda sheegay in ay aad u dhiban yihiin xilliyada habeenkii ah, waxaana ay ugu baaqeen maamulka degmadaasi in deg deg ay arintaan wax uga qabtaan.

Ciidamadaan amni daradda ka wada degmada Wanlaweyn ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo jidgooyo u taali jirtay duleedka degmadaasi, hase ahaatee ay ka qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya howlgalo ay sameeyeen ka dib.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News