U bood dhigaalka

Gadiidkii ka shaqeyn jiray Afgooye, Lambar Kontan iyo Mareereey oo shaqadoodi hakad ku jirta (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

DhooboWararka naga soo gaaraya gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in maanta iyo shalay aanay shaqeyneen gaadiidkii dadweynaa ee ka shaqeyn jiray degmada Afgooye iyo sidoo kale deegaanada Lambar Konta iyo Mareereey.

Sababta keentay in aanay gaadiidkaan shaqeyn ayaa ah sida wararka sheegayaan roobkii dhawaan da’ay oo biyo dhigay wadooyinkii waaweynaa ee la mari jiray.

Wadooyinkaan xirmay ayaa ahaa kuwo dhoobeey ah, waxaana taasi ay keentay in gaariga aanu ku dhiiran halkaasi in uu maro.

Waxaa maanta degmada Afgooye laga dareemayaa saameynta arintaan, waxaana dhanka kale degmada Afgooye aan imaan Qudaar laga keeni jiray Mareereey.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News