Dhismaha Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo Gabagabo Maraya (Sawirro)
Barnaamijka Kormeerka Goobjoog ayaa maanta booqasho ku tagay garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan ee Magaalada Muyqdisho, halkaasi oo dhawaanahan uu ka socday dhisme lagu balaarinayo, laguna gaarsiinayo heerka garoomada adduunka.
Wariyaasha Goobjoog Fm ayaa lasoo kala tusay qeybaha kala duwan ee garoonka iyadoo uu heer gabagaba ah arayo dhismaha laga wado Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid shaqaalaha ku hawlan dhismaha ayaa Goobjoog u sheegey in ay aad ugu faraxsanyihiin horumarka dalka ka socda.
Dhismaha cusub ayaa waxa uu ka koobanyahay qeybaha kala ah Duulimaadka iyo Soo Dagista Gudaha iyo Duulista iyo Soo Dagista Dibada, qeyb loogu talagalay mas’uuliyiinta iyo dadka leh xushmada ama maamuuska gaarka ah.
Dhismaha cusub ayaa waxa uu leeyahay meel dadka ay ku sugaan duulimaadkooda, qeyb dadka meelaha kale u socda ee duulimaadyada isku badalaya ay ku sugaan iyo waliba qeyb dadka ehelkooda iyo asxaabtooda soo dagaya ay ku sugaan.
Waxyaabaha kale ee garoonka loo samaynayo waxaa ka mid ah tusayaal ama dhalooyin laga daalacan karo jadwalka duulimaadyada, jawiga hawada iyo waliba sameecado laga naadinayo duulimaadyada baxaya ama kuwa soo dagaya.
Waxaa kale oo la dhisayaa qeyb boorsooyinka iyo alaabaha dadka ay wataan u gaar ah oo ay dadka ka qaataan marka ay dayuuradda kasoo dagaan.
Qeybta ugu muhiimsan waa qeybta hubinta alaabaha iyo dadka in ay wataan waxyaabo qarxa ama waxyaabo amniga lid ku ah.
Dhismaha waxa uu marayaa gabogabo, waxaana lagu rajo weynyahay in uu furmo mar aanan fogeyn.
Halkaan hoose ka daawo Sawirada
Goobjoog News