U bood dhigaalka

Khilaafkii u dhaxeeyay Baarlamaanka maamulka Somaliland oo la xaliyay iyo Qodobo lasoo saaray

Sheeko:Dalka

Mudooyinkaan dambe waxaa taagnaa dood xoogan islamarkaana ku saabsan khilaaf soo kala dhex galay baarlamaanka maamulka Somaliland, ka dib markii la sheegay in mooshin laga keenay gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi.

Hadaba waxaa khilaafkaan deg deg kusoo dhex galay golaha guurtida Somaliland, waxaana ay sameeyeen gudiyo Labada dhinac lasoo hadlay, si loo xaliyo khilaafkaan.

Golaha guurtida ayaa gabi ahaanba sheegay in la laalay mooshinkii xil ka qaadista Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa loo sheegay xildhibaanada in marnaba aanay mooshin ka keeni doonin, gudoonka sare ee Baarlamaanka, tan iyo inta laga gaarayo waqtiga xilka uu ka degaayo qof musharax ah.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka soo baxay.

Heshiis1

Heshiis2

Heshiis3

Goobjoog News