U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Kismaayo oo Askari Ku Ridey Xukun Dil Ah

Sheeko:Dalka

???????????????????????????????Maxkamadda Ciidamada maamulka Jubba ayaa markii ugu horeysey maanta ridey xukun dil ah, waxaana xukunkani lagu fuliyey askari ka tirsan ciidamada maamulka oo isagu horey u geystey dil.

Maxkamadda oo la magacaabay labo maalmood uun ka hor ayaa sheegtey in askarigani ay ku cadaatay in uu dilka geystey.

Askariga dilka lagu xukumey ayaa waxaa lagu magacaabaa Dable Cabdirisaaq Barre Cabdi Dhuux.

Ninkani ayaa lagu soo eedeyey in uu diley wiil 8 jir ah oo lagu magacaabo Cabdimaalik Axmed Maxamed Cabaas.

Goobjoog News