U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cambaareeyay weerarkii Al-shabaab ay ku laayeen shacab ku sugnaa duleedka Mandheera

Sheeko:Dalka

Xasan Sheekh MaxamuudMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay weerarkii shalay Al-shabaab ay ku qaadeen gaari Bas ah oo ay saarnaayeen dad u dhashay dalka Kenya, iyaga oo halkaasi ku dilay 28-tan qof.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu cambaareeyay weerarkaasi, waxaana madaxweynaha uu u tacsiyadeeyay shacabka iyo dowladda Kenya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay ka go’an tahay sidii ay ula dagaalami lahaayeen Xarakada Al-shabaab, ayna sii xoojinayaan sidii loo ciribtiri lahaa.

Al-shabaab ayaa shalay weerary bas maraayay deegaan ku yaala duleedka magaalada mandheera, waxaana uu ku wajahnaa Baskan magaalada Nairobi ee dalka, iyadoo halkaasi dad badan lagu toogtay.

Goobjoog News