U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Qaranka oo faah faahin ka bixisay howlgal ay ciidamada dowladda ka sameeyeen Muqdisho (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Afhayeenka wasaarada amnigaWasaaradda amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen qaar ka mid adegmooyinka magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradaasi Maxamed Yuusuf oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in la baarayay Guryaha iyo Gaadiidka, si loo sugo amniga guud ee dalka.

Maxamed Yuusuf waxa uu tilmaamay in howlgalkaan uu yahay mid lagu baarayay dadka saaran gaadiidka, guri gurina loo baarayay xaafado badan oo ka mid ah Muqdisho, waxaana howlgalkaan si gaar ah u waday ciidamada Nabadsugidda dowladda.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in ay soo qabteen dad abaabulaayay falal amniga liddi ku ah, isaga o ku cel celiyay dalab uu shacabka u jeedinaayay ee ah in ay gacan buuxda siiyaan ciidamada amaanka.

Gaadiidka ay saaranyihiin ciidanka, gaar ahaan kuwa raaxada ah ayuu sheegay in la baari doono, isaga oo tibaaxay in ay jiraan rag Al-shabaab ka mid ah islamarkaana soo xiranaya dharka dowladda iyaga oo dadka ku dhibaateenaya gaadiid yar yar oo ay soo qaataan.

Dhanka kale Afhayeenka wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf ayaa ku celiyay in dowladda ay la wareegi doonto gurigii ama gaadiidkii lagu helo falal amniga liddi ku ah.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmahaan dambe waxa ay wadeen howlgalo balaaran oo lagu xaqiijinayo amniga, waxaana inta howlgaladaan ay socdeen lasoo qabtay dad iyo gaadiid.

Halkaan ka dhageyso.

Goobjoog News