U bood dhigaalka

Xildhibaan Maxamed Xayir Maareeye “Waxaan Nahay 168 Xildhibaan”

Sheeko:Dalka

MaareyeMid ka mid ah xildhibaanadii mooshinka keeney oo maanta kulan ku lahaa Muqdisho oo saxaafadda la hadlay ayaa ka warbixiyey waxa uu kulankooda ku saabsanaa.

Wuxuu sheegey in kulankooda uu leeyahay labo ujeedo oo kala ah iswaraysi, iyo waliba sidii ay qorshe cad oga yeelan lahaayeen kulanka baarlamaanka barito ee lagu keenayo mooshinka ka dhanka ah Ra’isulwasaaraha.

Wuxuu sheegey in ay gaarayaan illaa 168 xildhibaan kadib markii sida uu sheegey ay qanciyeen xildhibaano markii hore mooshinka kasoo horjeedey.

Maareeye ayaa sheegey in khilaafka madaxda uusan ka bilaabanin wasiir la badalay , balse uu yahay mid xili hore soo biloowdey, soona maray marxalado kala duwan.

“Anaga markii aan aragnay in khilaafka uu ragaadiyey hawlihii dowlada, ayaan go’aansanay in baarlamaanka iyo sharciga lagu kala boxo” ayuu yiri Xildhibaanka.

Wuxuu dhanka kale sheegey in sababta mar kasta ay isugu dhacayaan madaxda dowladda sababta ay tahay qalad ku jira dastuurta, taasi oo ay tahay in la soxo.

Dhageyso

Goobjoog News