U bood dhigaalka

Xildhibaanada Kasoo Horjeeda Mooshinka oo Jawaari, Xasan Sheekh iyo Xildhibaanada Mooshinka wada dusha ka saaray Mas’uuliyadda wixii bari ka dhaca Baarlamaanka

Sheeko:Dalka

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay  Gudoomiyaha Baarlamaanka in uu ka baxay balantii uu 19-kii bishan Xildhibaanada ka qaaday oo aheyd in aan Mooshinka la horkeeni doonin Baarlamaanka.

Xildhibaanada shirka Jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Muqdishu ayaa  gudoomiya Baarlamaanka ku dhaleeceeyay inuu garab noqday markii uu u hanjabay qaar ka mid Xildhibaanada.

Xildhibaanada ayaa intaa ku daray in Bari oo Isniin ah wixii ka dhaca Xarunta Baarlamaanka ay mas’uuliyadeeda qaadayaan Gudoomiaya Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo xildhibaanada Mooshinka taageersan.

Shirkaas Jaraa’id halkan ka dhageyso