U bood dhigaalka

Isbadalo Ganacsi oo Ka Jira Magaalada Kismaayo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

kistaSida uu kusoo waramayo wariyeheena magaalada Kismaayo Mascuud Cabdullaahi Aadan, waxaa magaalada kusoo kordhey dhaqdhaqaaqyo ganacsi oo kala duwan waxaana ka mid ah duulimaadyo toos ah oo oga yimaado Kenya, Gaalkacayo iyo Xamar, iyada oo duulimaadyada markii hore ku koobnaayeen kuwa Xamar ka taga oo kaliya.

Sidoo kale hoteelo ayaa kusoo badanaya magaalada, tanina waxa ay keentey in qudaartii magaalada iman jirtey ay ku filnaan weyso, islamarkaasina qiimaha qudaarta uu sare u kacay.

Qudaarta qiimaheeda sare u kacay ayaa waxaa ka mid ah baradhada oo laga keeno dalalka Kenya iyo Itoobiya, balse haatan yaraaday kadib wadooyin xirmey roobabka awgood.

Dhanka dekeda ayaa waxaa ku xiran gaadiid kala duwan oo xagga badda ah kuwaasi oo dajinaya badeecooyin kala duwan.

Dhageyso

Goobjoog News