U bood dhigaalka

Xildhibaanada Ra’isul Wasaaraha taageersan oo sheegay in Xildhibaanada Mooshinka Taageersan handadaad joogta ah ku hayaan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Cabdi Barre Yusuf oo Warbaahinta Goobjoog la hadlay ayaa sheegay in ay jiraan hanjabaadyo loo geystay Xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinka ka dhan ah Ra’isul Wasaare Cabdiwali.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay hayaan cadeymo cad iyo Magacyada Xildhibaanada handadaada ku haya dhankooda iyo in lagu qabsayo wax sharci darro ah oo ka hor imaanaya sharciga dalka.

Xildhibaan Cabdi Barre Yusuf ayaa Xildhibaanada Mooshinka riixaya dusha ka saaray Mas’uuliyadda haddii dhib soo gaaro Xildhibaanada mooshinka kasoo horjeeda.

Wareysiga Xildhibaan Cabdi Barre, halkan ka dhageyso