U bood dhigaalka

Cabsi soo wajahday shaqaalaha dowladda Kenya ee ku sugan degmada Mandhera (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

MandheraWararka ka imaanaya degmada Mandhera ee gobalka Waqooyi Bari Kenya ayaa waxay sheegayaan in wal wal xoogan uu soo wajahay shaqaalaha dowladda Kenya ee ku sugan degmadaasi.

Dhamaan shaqaalihii halkaasi ku sugnaa ayaa la sheegay in ay ku uruureen xarunta ciidamada qalabka sida ee degmadaasi, waxaana ay sheegeen in marnaba aanay shaqeyn doonin, iyaga oo dalbaday in halkaasi laga qaado.

Dadkaan ayaa u sheegay dowladda Kenya in aysan sugi karin amaankooda, sidaa darteedna ay qabaan wal wal ah in dhibaatooyin ay kala kulmaan Al-shabaab.

Wariye Cabdisamad Xaliye oo ku sugan dalka Kenya ayaa soo sheegaya in dowladda Kenya ay wado dadaal xoogan oo ay ku doonayso in dadka halkaasi ay kusii joogaan, balse dadka ay dalbanayaan in la geeyo meelihii ay ka yimaadeen ama magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Waxaa heegan buuxa ku jira ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa ku sugan Mandhera, waxaa la xiray xarunmaha caafimaadka iyo sidoo kale kuwa waxbarasho iyadoo laga baqayo in weeraro kale ay dhacaan.

Al-shabaab ayaa dhawaanweerartay Bas ay saarnaayeen dad shacab ah oo u dhashay dalka Kenya, kaa oo marayay duleedka degmada Mandhera kuna sii jeeday magaalada Nairobi, halkaasi oo ay ku dhinteen 28 qof oo macalimiin ku jiraan.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News