U bood dhigaalka

Dowladda Kenya oo beesha caalamka ka dalbatay fara gelinta khilaadka madaxda dowladda

Sheeko:Dalka

RutuDowladda Kenya ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay soo fara geliso khilaafka xilligaan u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in hadii aan la xalin khilaafka u dhaxeeya madaxda dalka ay keeni karto inay wiiqanto dadaalka nabadeed ee gobalka si loo gaaro xasilooni ka dhalata Geeska Afrika.

Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Talaadadi shalay magaalada Nairobi kula yeeshay ra’isulwasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Slovakia, Miroslav Lajcak.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya ayaa dhanka kale sheegay in ay jirto baahi loo qabo in ay wanaagsan tahay in la abuuro jawi nabadeed si Soomaaliya ay uisoo dhaweyso qaxootiga, taasna ay ka horeyso taageerada caalamka ee ku aadan xalinta khilaafkan.

Falanqeeyayaasha gobolka ayaa ka walaacsan dhinaca awoodda u dhexeeysa labada hoggaamiye waa Xasan Sheekh iyo Cabdiweli Sheekh Axmed, taa oo ka digan mid si xun u saameyn kara shaqada xukuumadda federaalka.

“Xaaladda qaxootiga waxay inooga dhigan tahay mid culeys nagu ah, Waxaana aan ka shaqeyneynaa qaabkii loogu talagalay in qaxootiga dib ugu labataan Soomaaliya hase yeeshee waxaan u baahan nahay taageero badan oo aan ku qabano arrintaasi .

Waxaa Tarjumay:- Cabdiraxmaan Daahir Guutaale (Maaliki)

Waxaana laga soo tarjumay Wakaaladda Wararka ee Shiinaha (Shinwaa)

Goobjoog News