U bood dhigaalka

Nicholas Kay oo shir Jaraa’id uu Qabtay Kaga Hadlay Khilaafka Dowladda, Niyadda Beesha Caalamka iyo Doorashada 2016-ka

Sheeko:Dalka

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka jawaabay su’aalaha Saxaafadda xilli uu maanta ka qeyb galay xafladdii TEDx ee magaalada Muqdishu.

Nicholas Kay ayaa ka hadlay in ay jiraan Ajandayaal  ay Soomaalida dajisatay sida dhisidda dowlad Federaal ah oo diqmoraadiyadda ku dhaqanta marka la gaaro 2016-ka.

Marka in arintaas lagu gacan siiyo Soomaalida ayuu ku sheegay in ay tahay caqabad weyn, isagoo ku sabababeeyay in dalkan aanu u baran qaabka Asxaab siyaasadeed iyo kala qeyb sanaan siyaasadeed oo jirtay moddo gaareysa 23 sano.

Mar wax laga waydiiyay in Beesha Caalamka ka rajo dhigeyso Soomaaliya marka la eego xilaafaadka dowladda, Kay waxaa uu ku jawaabay in Beesha caalamka intii uu la kulmay ay niyad fiican u hayaan Soomaaliya.

Dhinaca kale Nicholas Kay ayaa wax ansiib darro ah ku tilmaamay in markii labaad khilaaf-kan soo laabto dowladan Xasan Sheekh oo ay isku dhacayaan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, isagoo intaa ku daray in aanay wax cusub aheyn oo Ra’isul Wasaarahan uu yahay kii 10-naad muddo 12 sano ah, Kay ayaa Saxaafadda u sheegay in ay rajeynayaan in arinkan laga gudbo sanadaha soo socda.

Nicholas Kay mar uu ka hadlayey doorashada 2016-ka, waxaa uu niyad wanaag ka muujiyay in Soomaalida dooran doonto  Baarlamaankeeda oo dadka u codeeyaan taasina ay tahay waxa ay dadka Soomaaliyeed doonayaan, muhiimna ay tahay in la xushmeeyo.

Siyaasadda iyo Amniga mar uu soo hadal qaaday waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay sida ay wax u socdaan iyo hor u marka arinkaas laga gaaray, dhibaatada ayuu ku sheegay mid siyaasadeed sida Federaalism-ka, qeybsiga kheyraadka iyo arimo kale oo lagu xalin karo Baarlamaanka iyo wada hadal, sida uu hadalak u dhigay.

Shirka Jaraa’id oo dhameystiran halkan ka