U bood dhigaalka

Dowladda Maraykanka oo Jabuuti uga Digey Weeraro Argagixiso

Sheeko:Dalka

USADowladda Maraykanka ayaa soo saartay qoraal ay kaga digeyso weeraro argagixiso oo lala damacsanyahay dalka Jabuuti, halkaasi oo ay horey uga dhaceen weeraro ismiidaamin ah.

Maraykanka waxa uu u digey muwaadiniintiisa iyo kuwa reer galbeedka ee booqanaya Jabuuti.

Warka qoraalka ayaa lagu yiri “Weerarada waxa ay bartilmaameedsan karaan dhismayaasha dowladda, safaaradaha, xerooyinka ciidamada, iyo bartilmaameedyada sahlan sida maqaayadaha, caweysyada, hoteelada, iyo meelaha kale ee meheradaha ah”.

“Inkasta oo Jabuuti ay wali ku raadjoogto kuwii mas’uulka ka ahaa, hadane wali dadkii falka geystey lama hayo, waana kuwa gobolka ka hawlgala wali” ayaa lagu yiri qoraalka.

Bishii May ee sanadkani ayaa weerar lagu qaaday meel caweys ah waxaa ku dhintey saraakiil reer galbeed ah.

Goobjoog News