U bood dhigaalka

Maamulka Ahlu-sunna ee gobalka Gedo oo si kulul uga hadlay ciidamo wejiyada u xiran oo shalay ka degay Garbahaareey (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

GarbahaareeyMaamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobalka Gedo ayaa waxaan la aqbali Karin ku sheegay ciidamo wejiyada u duuban oo shalay ka degay garoonka diyaaradaha ee degmada Garabahaareey oo magaalo madax u ah gobalka Gedo.

Gudoomiyaha Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee Gobolkaasi Sheekh Cabdiraxmaan Al-Ansaari ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in ciidamadaan ay u arkeen in ay yihiin wax uu ku sheegay Argagaxiso, isaga oo ku cel celiyay in taasi ay ahayd qalad ay dowladda gashay.

Waxa uu sheegay in dowladda looga baahan yahay hadii ciidan ama shaqsiyaad kaleba ay u direyso gobalka Gedo in ay war geliso maamulkaasi si aanu isku dhac u imaan.

Shalay waxaa Garoonka Diyaaradaha Garbahaareey gaartay diyaarad siday ilaa Lix Askari oo Wejiyada u xiran, taa oo keentay kala shaki iyo qal qal amni.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News