U bood dhigaalka

Jowhar: Laba qof oo u geeriyootay Shuban Biyood (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

JowharWararka ka imaanaya degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Laba qof ay u geeriyoota cudurka Shuban biyoodka, kaa oo ka dilaacay deegaano ka mid ah gobalkaasi.

Dadkaan dhintay ayaa ku jiray Isbitaalka INTERSOS ee magaalada Jowhar, waxaana cudurkaan hadda la jiifa dad gaaraya 11 qof sida ay inoo xaqiijiyeen howlwadeenada Isbitaalkaasi.

Ibraahim Muse Mahad, waa kalkaaliye sare oo ka howlgalo Isbitaalkaasi, waxaana uu Goobjoog Fm u sheegay in dadkaan cudurkaan soo ritay laga kala keenay xaafadda Hanti Wadaag iyo tuulooyin hoostaga degmada Jowhar.

Dhanka kale Kalkaaliye Ibraahim ayaa sheegay in baaritaan ay sameeyeen ka dib ay xaqiijiyeen in cudurkaan uu yahay Shuban Biyood ka dhashay Jaardi ama Bahal, ayna wadaan dadaalka dadkaan lagu daweynayo.

Halkaan Hoose ka dhageyso