U bood dhigaalka

Rag Afar Gabdhood Ku Kufsaday Beledweyn oo Xabsiga Laga Sii Daayey

Sheeko:Dalka

Maxamed Cusmaan Cabdi oo ah gudoomiyaha degmada Beledweyn ayaa Warbaahinta Goobjoog u xaqiijiyay in saldhiga Booliiska magaalada Beledweyn laga sii daayey sadex nin oo u xirnaa arin kufsi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in sii deynta raggaas uu gacan ka geystay Taliska booliiska degmada beledweyn ee gobolka Hiiraan, iyadoo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee raggaas loo sii daayey.

Raggan sadexda ah ayaa todobaadkii hore waxay afar gabdhood ku kufsadeen tuulo ku taalla duleedka magaalada Beledweyn.