U bood dhigaalka

Dugsigii Sheekh Yuusuf Al-Kownayn Oo Aad Loo Casriyeeyey (Sawirro)

IMG_3873Waxaa maanta booqasho kormeer ah ku tegay dhismaha dugsiga Sheekh
Yuusuf Al Kowneyn oo dhowaan lagu sameeyay dibu habayn ballaaran Xeer
Illaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Daahir iyo labo ka mid ah La
Taliyeyaasha Madaxweynaha oo uu ku jiro latiyaha xaga sharciga.

Dugsigaas oo dhowaan loogu magac bixiyey Dugsiga Sare ee
Teknoolajiyadda iyo Sayniska ee Sheekh Yuusuf Koowneyn ayaa waxaa
dayactir ballaaran iyo qalabayn ku sameeyey Jaamacadda City University
ee ku taala magaalada Muqdisho taas oo uu dugsigu si toos ah hada u
hoos tago.

Dr. Cabdikariim Xasan Jaamac oo ka mid ah masuuliyiinta waa weyn ee
jaamacada City University ayaa ku qaabilay xarunta dugsiga
masuuliyiintii booqashada ku yimid kuwaas oo u kuurgelayey sida loo
dayactiray dugsiga, agabka waxbarsho ee dugsiga iyo tirade ardada ee
hada dugsiga dhigata.

Xilliga ay booqanayeen mas’uuliyiintaas ayaa waxaa dugsiga joogey
arday badan oo fasalada ay casharo uga socdeen kuwaas oo isugu jirey
ardayda dugsiga sare ee Tiknoolajiyadda iyo Sayniska ee Sheekh Yuusuf
Al-Kowneyn, iyo arday loo qaatay sannadka koowaad ee jaamacadda City
University balse baranayey duruuska lagama maarmaanka u ah bilawga
jaamacada.

Fasalada ayaa waxaa ku rakibnaa kumbiyuutaro iyo aalado kale oo casri
ah oo ay wax ku baranayeen ardaydaas. Wafdiga ayaa sidoo kale
indhahooda ku arkay adeeg kale oo waxbarsho oo uu dugsigu leeyahay,
waxaana ka mid ahaa maktabad weyn oo ay buugaag badan yaalaan, iyo
sidoo kale beero tijaabo loogu talogalay oo ay ardayda kuliyadda
beeraha wax ku bartaan.

Barayaashii xiligaasi fasalada ku jirey ee ardayda waxbarayay waxaa ka
mid ahaa Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib. Wafdiga meesha tagey ayaa aad
ugu farxay la kulanka mudane Jaamac Maxamed Qaalib kaas oo isagu
barayey ardayda maadada taariikhda Soomaaliya.

Generaalka Jaamac oo markii dambe saxaafadda kula hadlay xarunta
dugsiga Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn ayaa sheegey in uu aad ugu
faraxsanyahay in uu wax ka dhigo jaamacadda City, wuxuu intaasi ku
daray in jaamacadani ay tahay tan keliya ee isaga aqbashay, una
qaadatay in uu bare ka noqdo.

Cabdikariim Jaamac oo ah madaxweynaha jaamacadda City ayaa sheegey in
iskuulkani uu ka mid ahaa ilaa 90 iskuul oo wasaaradda waxbarashada ay
siisey hay’ado kala duwan si ay u dayactiraan, islamarkaasina ugu
isticmaalaan hawlo waxbarasho oo keliya.

Waxaa xusid mudan tan iyo intii ka dambeysay dawladii milateriga ahayd
ee Maxamed Siyaad Bare in waxbarashada dalka Soomaaliyeed ay gacanta
ku hayeen hay’ado gaar ah kuwaas oo iyagu isticmaalayey dhismooyinka
dugsiyadii ay horay u dhistay dawladii Soomaaliyeed.

Hay’adaha isticmaala inta badan dugsiyadii dawladii hore waxaa ka mid
ah hay’ada Wakaalada Muslimiinta Afrika oo hada loo yaqaan Direct Aid,
Jimciyada Imaamu Shaafici, jimciyada Al-Islaax, Jimciyada Mashaariic
Alkheyriya, hay’da Manhal, hay’ada Zamzam iyo kuwo kale.

 

IMG_3803 IMG_3804 IMG_3812 IMG_3820 IMG_3821 IMG_3824 IMG_3827 IMG_3834 IMG_3836 IMG_3841 IMG_3848 IMG_3855 IMG_3858 IMG_3861 IMG_3863 IMG_3866 IMG_3873 IMG_3893 IMG_3898 IMG_3900 IMG_3907 IMG_3912 IMG_3915 IMG_3920 IMG_3930 IMG_3932 IMG_3934 IMG_3945

Goobjoog News