U bood dhigaalka

Qaar ka tirsan xafiisyada Dahabshiil ee Jubbada dhexe oo la xiray

Sheeko:War

DahabshiilWaxaa gebi ahaan albaabada la isugu laabay xafiisyada shirkadda xawaaladda Dahabshiil ay ku leedahay qaar ka tirsan degmooyin hoos yimaada gobolka Jubbada dhexe, kadib markii lagu war galiyay amar ka soo baxay xarakada Al-shabaab.

Xafiisyada uu saameeyay amarkan ayaa kamid ah xafiisyada Dahabshiil ee ku yaallay degmooyinka Bu’aale, Saakoow, Salagle, Jilib iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Jubbada dhexe.

Mas’uuliyiinta Dahab-shiil ee Jubbada dhexe ayaa ka gaabsaday inay arrinta xirtaanka xafiisyada shirkadda ee gobolkaas ay ka hadlaan, sidoo kalena weli kama aysan hadlin maamulka guud ee shirkadda amarka albaabbada loogu laabay xafiisyada ay ku leeyihiin gobolkaas.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-shabaab,balse gobolka Jubbada dhexe waa gobolka kaliya ee ay sida buuxda u maamulaan xarakada Al-shabaab.

Wararka ganacsiga Goobjoog news