U bood dhigaalka

Curyaanimadu Ma Ahan Lixaadka ee Waa Laabta

Sheeko:Caafimaadka
Wariye Ibraahim Xaaji
Wariye Ibraahim Xaaji

Aragga waa mid ka mid ah hadiyadaha ugu waaweyn ee qofka nolosha ku helo, inkasta oo xubnaha jirka ay mid kastaba leedahay muhiimad weyn, hadane aragga waa nimcooyinka illaahay bixiyo kuwa loogu hodantinimo badanyahay qofkii la siiyo.

Dad badan oo illaahay siiyey lixaadkooda ayaa maalin kasta ka cawda dhibaatooyin yaryar ee ay nolosha kala kulmaan, laakiin ka warran qofka aragga oo dhan beeley oo misane illaahay ku xamdinaya, noloshana si wanaagsan u maareynaya?.

Shalay waxaa adduunka laga xusey maalinta curyaamiinta adduunka, meelihii laga xuseyna waxaa ka mid ahaa magaalada Muqdisho, iyada oo looga hadlay siyaabaha looga hortagi karo curyaanimada qaar iyo sida wax loola qaban karo curyaamiinta si ay noloshooda u maareyn karaan iyaga oo aanan cid kale garab oga baahanin.

Curyaanimada la daweyn karo ama laga hortagi karo waxaa ka mid ah aragga oo la beelo, dadka aragga beeley ee aanan daweynta iyo ka hortagaba helin waxaa ka mid ah nin dhalinyaro ah oo 25 jir ah oo lagu magacaabo Ismaaciil Axmed Cali.

Ismaaciil oo u waramay wariyaheena Ibraahim Xaaji ayaa sheegey in isaga oo 13 jir ah uu beeley aragga, wixii markaasina ka dambeeyeyna uu ahaa qof curyaan ah, laakiin aysan taasi ka hor istaagin in uu nolol maalmeedkiisa qabsado, bulshadana ka galo kaalinta uu isaga doorbidey.

Maadaamaa magaalada Muqdisho aysan ka jirin iskuulaad ay wax ku bartaan dadka indhaha la’, islamarkaasina isaga uu ahaa qof waxbarashada jecel xiligii uu indhaha beelayay, ayuu u haajirey dalka Kenya halkaasi oo uu kusoo qaatay waxbarashadiisa.

“Waxaan wax la bartay illaa 350 arday oo aragga beeley dhamaantood, waxaanan maanta ahay qof hawlaha nolosha oo dhan qabsan kara” ayuu yiri Ismaaciil.

Waxyaabaha aanan laga fileynin ee uu qabsan karo waxaa ka mid ah in uu ogaado inta saac ee ay markaasi tahay, waxa uu dirsan karaa taleefoonkiisa gacanta, sidoo kale magacyada dadka ayuu taleefoonka ku qoran karaa.

Wuxuu isticmaali karaa kumbuyuutarkiisa , isaga oo samayn kara qoraal kasta oo uu u baahanyahay mise loo diro, ama uu xafiisyada kaga shaqeyn karaa.

Dhalin badan oo arag la’ ayaa kunool magaalada Muqdisho kuwaasi oo badankoo guryaha iska fadhiya ama la gar-wado marka ay banaanka u baxayaan, mana ahan kuwa ku dhiiran in ay goobaha waxbarashada aadaan.

Ismaaciil ayaa dhalinyaradani kula talinaya in ay naftooda ku kalsoonaadaan, isku dayaan in ay wax bartaan, islamarkaasina ka baxaan nolosha xun ee ay ku jiraan.

Waxa uu Ismaaciil aaminsanyahay in curyaanimada aysan ahayn xubin jirka ka mid ah oo uu qofku beelo, balse tahay niyadda iyo hadba qofka sida isaga dhaadhiciyo in uusan waxbo qabsan karin.

Taasi waxaa daliil u ah in ay xitaa jiraan dad lixaadkooda u dhameystiranyahay, balse aanan waxbo qabsan karin, sababtuna tahay iyaga oo iska dhaadhiciyey fikirka ah “Waxaasi lama qaban karo, waxaasi lama yeeli karo”.

Sidaasi darteed waxa uu dhalinyarada iyo dadka curyaamiinta ah ugu baaqayaa in ay halgan la galaan nolosha, kana hortagaan dhamaan caqabadaha hortaagan.

Waxaase jira caqabado aysan dadka curyaamiinta xal u heli karin, waxaana ka mid ah la’aanta goobo waxbarasho oo loogu talogalay in ay wax ku bartaan oo dalka gudihiisa laga furo, sida iskuulka indhoolayaasha iyo kan dhagoolayaasha, waxaa hawshaasi ay u taalaa dowladda Soomaaliya iyo dadka mas’uuliyiinta ah.

Dhageyso

W/D: Ibraahim Xaaji

W/Q: Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir

 

Goobjoog News