U bood dhigaalka

Dhageyso: Waayihii iyo Wax Qabadkii Ra’isulwasaare Cabdiwali (Akhriso)

Sheeko:Caalamka

Abdiwali Sheik AhmedMuddo sanad ah ayaa laga joogaa maalintii xilka loo magacaabay Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed, maalintii xilka loo magacaabayna waxa ay ku beegneyd 12-kii bishii Diseembar, 2013-ka, waxaana kaliya ka dhiman 6 maalmood oo kaliya.

Maanta ayaa fadhi uu yeeshey baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida kala laabtay Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh oo ay is qabteen madaxweyne Xassan Sheekh.

Xildhibaano iyo dad badan oo kasoo horjeedey kalsooni kala laabashada Ra’isulwasaaraha ayaa sheegey in sababta ugu weyn ee xilka looga qaadayo aysan ahayn hawl qabadkiisa, balse tahay kala aragti duwanaanshaha madaxweynaha.

Hadaba waxaan halkani kusoo uruuriney waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee la taaban karo ee uu Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh qabtay, waxaana noo suurogashay in aan soo taxno illaa 50 hawlood oo waaweyn oo Cabdiwali qabtay muddo sanad gudihiisa ah, kuwaasi oo aan kusoo xulanay miisaanka iyo muhiimadda qaran ee ay lahaayeen arrimahaasi.

Hawlaha aan halkan kusoo taxney waxaa ka mid ah hindiso sharciyeedyo golaha wasiirada ay meelmariyeen, heshiisyo la galay, safaro dibada oo muhiim ah iyo waliba shirar waaweyn oo dalka gudihiisa ka dhacay.

  1. Deseembar 12 2013: Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdiwali Sheekh Axmed u magacaabay R/rasaaraha Soomaaliya.
  2. Diseembar 21, 2013: R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa la dhaariyay kadib markii Xildhibaannada baarlamaanka Soamaaliya ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyay, waxaa Ra’isulwasaaraha codkooda siisey 239 xildhibaan, waxaana baarlamaanka fadhiyey 243 xildhibaan, taasi oo ka dhigey aqlabiyad %99.9 ah.
  3. Deseembar 27, 2013: R/wasaare Abdiwali Sheekh Axmed    ayaa xilka si rasmi ah ogala wareegey Cabdi Faarax Shirdoon oo xilka kaga horeeyey
  4. Janaayo 16, 2014: Ra’isul Wasaare Cabdiwali ayaa xukuumadiisa soo dhisey kadib markii sida la sheegey uu wadatashi ballaaranuu la sameeyay madaxda sare ee dowladda, Golaha Wasiirrada ee uu soo magacaabay Ra’isulwasaaraha ayaa ka koobnaa 25 Wasiir, Shan Wasiiru-dowle iyo 25 Wasiir Ku xigeen.
  5. Janaayo 21, 2014: Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xukuumadda Cabdiwali.
  6. Janaayo 22, 2014: Wasiirada cusub ee golaha xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu hordhaariyay baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhaarinta ay goobjoog ka ahaayeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaarihiisa C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo kulanka shir-guddoominayay.
  7. Janaayo 23, 2014: Golaha wasiirada xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Muqdisho, kaasoo ay uga hadleen xeer hoosaadka ay ku shaqeynayaan iyo sidii ay xilalka ula wareegi lahaayeen.
  8. 15 January 2014: Waxaa Istanbul ka dhacay shir ay isugu yimaadeen Soomaaliya iyo maamulka Somaliland , waxayna ahayd shaqadii ugu horeysey ee uu Cabdiwali si toos ah ugu lug yeesho.
  9. Feberaayo 28, 2014: Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abdirahman Ducaale Beyle ayaa ka ambabaxay Caasimadda Muqdisho , iyagoo ku wajahan Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York , halkaas oo uu ka furmayey Shir looga hadlayo arrimaha ammaanka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.
  10. Maarso 13, 2014: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu uga qaybgalayo shirka 25-aad ee madaxda urur goboleedka IGAD. Wuxuu ahaa shirkii ugu horeeyey ee uu Cabdiwali ka qeybgalo
  11. Maarso 16, 2014: Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec (boqorkii codka) oo toddobaad ka hor ku geeriyooday Jarmalka ayaa aas qaran loogu sameeyay Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qaybgalay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed. Aaska qaran waxaa diyaarisey xukuumadda. Isla maalintii marxuumka la aasay maalinteed Cabdiwali ayaa habeenkaas kulan casho sharaf u sameeyay Hobolada Waabari, Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ahaa xubno isugu jirey: hoballo, Abwaano, muusikiistayaal iyo mulaxamiistayaal. Fannaanadda Hibo Nuura oo dalka dib ugu soo laabatay, Fannaanka Maxamed Xuseen Lafoole oo isna ku noolaa magaalada Muqdisho, fannaanka Siciid Da’uud Cali Masxaf, Abwaan Maxamed Xasan Barrow, Abwaan Maki Xaaji Banaadir, Majaajiliiste Cabdi Maxamed Ilka-case iyo xubno kale ayaa kulanka kasoo qayb galay
  12. Maarso 26, 2014: Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Yugandha, Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgalay shirka ka hortagga abaaraha ee dalalka ku bahoobay urur-goboleedka IGAD.
  13. Maarso 30, 2014: Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Xuseen Cabdi Xalane ayaa hor-tagay xildhibaannada baarlamaanka, isagoo sharraxaad ka bixiyay habka ay u soo diyaariyeen miisaaniyadda sannadkan 2014, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka uu sheegay in miisaaniyadda dalka lagu diyaariyo shilling Soomaaliga oo aan loo baahnayn doollarka.
  14. Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in miisaaniyaddii sannadkii hore ee xukuumaddii Saacid ay soo diyaarisay ay ahayd 117-milyan oo doollar, balse miisaaniyadda sannadkan ay tahay 218-milyan oo doollar, isagoo xusay in howlo aad uga badan howlihii hore la doonayo in sannadkan xukuumaddu qabato.
  15. Abriil 01, 2014: Ra’iisul wasaare C/weli Sh. Axmed Maxamed ayaa Muqdisho kula kulmay xubnaha kooxda G7+ oo ah deeq-bixiyeyaasha dhaqaalaha ku baxa barnaamijka New Deal (Hiigsiga cusub).
  16. 9 ilaa 18-ka April 2014: Dowladda Soomaaliya ayaa dalka keentay dad Qaxooti ah oo dalka Kenya laga soo musaafurisay, Diyaaradda hore waxay waday 82 tan dambe 91 qof. Dowladda ayaa soo dhaweysay dadkaasi.
  17. Abriil 23, 2014: Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa khudbad dhinacyo badan ka jeediyay xiritaankii shirweynaha amniga oo Muqdisho ka socday muddo afar maalmood ah; kaasoo lagu casuumay ergooyin matalayay dowlad-goboleedyada, maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka, aqoon-yahanno ka yimid dalka dibaddiisa iyo khubaro dhinaca amniga ah .
  18. Abriil 23, 2014: C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo ay weheliyaan wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka, wasiirka maaliyadda, wasiir ku-xigeenka gaadiidka, danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, wakiilka hay’adda TIKA iyo maareeyaha guud ee garoonka Aadan Cadde ayaa dhagax-dhigay dugsiga tababarka Duulimaadka oo laga dhisayo gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.
  19. Abriil 27, 2014: Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa hortagay baarlamaanka iyadoo su’aalo laga weydiiyay arrimo ku saabsan amniga oo ay ka mid yihiin: dilalkii loo geystay xildhibaanno, dad lagu laayay deegaanka Muuri, weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday madaxtooyada, odayaashii lagu dilay Buur-hakaba, howlaha hay’adaha ammaanka iyo kuwo kale.
  20. May 03, 2014: C/weli Sh. Axmed Maxamed ayaa hortagay baarlamaanka Somalia, isagoo xildhibaannada u sharraxay qorshe-howleedka sannadkan ee xukuumaddiisa. Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay xukuumaddu go’aansatay inay diiradda saarto sannadkan 2014-ka arrimaha ay ka mid yihiin: in Soomaaliya la gaarsiiyo sannadka 2016-ka doorasho xor ah. In miisaaniyadda dowladda lagu fuliyo howlaha horyaalla xukuumadda iyo in xoogga la saaro hawlaha waafaqsan is-tiraatijiyadaha hadda jira, waqti ahaan iyo awood ahaanna la meel marin karo.
  21. May 07, 2014: Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa meel-mariyay kulan ay miisaaniyad-sannadkeedka 2014-ka ee ay soo gudbisay xukuumadda Soomaaliya.
  22. May 15, 2014: Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ka qayb-galay munaasabad lagu xusayay 71-sano guuradii ka soo wareegtay aasaaskii ururkii dhallinyarada gobonima doonka Soomaaliyeed ee SYL. Munaasabaddan oo lagu qabtay garoonka kubadda cagta Koonis, waxaana soo qaban-qaabisay wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga.
  23. May 24, 2014: Waxaa iscasilay wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed kadib markii ay timid habacsanaan xagga amniga, islamarkaasina ay dhaceen weeraro waaweyn oo ay Alshabaab qaaday.
  24. Juun 03, 2014: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in isaga iyo ra’iisul wasaarahiisa ay soo kala dhex-gashay kala aragti duwanaan yar, balse lagu guuleystay in la xallliyo inta dhimanna is-afgarad lagu dhammeyn doono.
  25. Juun 10, 2014: Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan magacaawday guddiga dib u hishiisiinta gobollada dhexe ee Soomaaliya, kuwaas oo soo maray marxalado kala duwan.
  26. Juun 12, 2014: Ra’iisul wasaaraha Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa furay shirkii saddexaad ee Hiigsiga Cusub ( New Deal) kaasoo ay ka qaybgaleen xubno ka tirsan golaha wasiirrada, qaar ka mid ah safiirrada beesha caalamka, wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo xubno ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay.
  27. Juun 25, 2014: C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Equatorial Guinea , halkaasoo uu kaga qeybgalay shir ay isugu imaadeen dalalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika.
  28. Luuliyo 09, 2014: Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa kulan deg-deg ah la yeeshay gudiyada amniga iyo siyaasadda golaha wasiirrada xukuumadda, iyadoo looga hadlay xaaladihii u dambeeyay ee dalka iyo go’aannadii uu qaatay ra’iisul wasaaruhu, kuwaasoo uu ku magacaabay wasiirka amniga Qaranka iyo taliyayaasha ciidamadda booliiska iyo nabad-sugidda.
  29. July 18, 2014: Shirkadda Mubaadala oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay inay heshiis iskaashi oo baaris shidaal ah ay la sxiixatay dowladda federaalka Soomaaliya. Heshiiskaas ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ah fursadaha wax-soo-saarka Soomaaliya. Heshiiskan ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay wasiirka shidaalka iyo macdanta, Daa’uud Maxamed Cumar kaddib wadahadallo muddo u socday mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
  30. Luuliyo 21, 2014: Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlayay xaaladda dalka ayay waxay warbixin kaga dhageysteen guddiga loo xil-saaray gurmadka deg-deg ah, iyadoo dhanka kale goluhu dood ka yeeshay caqabadaha hortaagan fulinta barnaamijka Hiigsiga cusub ee (New Deal).
  31. Luuliyo 24, 2014: Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Ka hortagga Xaaladaha Deg-Deg- ah ee bini’aadnimo ayaa ku deeqdey lacag dhan $75 Million oo doollar si sare loogu qaado Deeqaha La siiyo Wadamada ku yaalla Galbeedka iyo Geeska Afrika.
  32. Luuliyo 26, 2014: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ogolaaday magacaabistii xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Daahir iyo xil ka qaadistii xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka. Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa si rasmi ah waxaa loogu shaaciyay in xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka loo magacaabay Avv. Axmed Cali Daahir.
  33. Luuliyo 26, 2014: Shir aan caadi ahayn oo ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa looga hadlay dib u habbeynta safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay caalamka.
  34. Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa kulanka kaddib warbaahinta u sheegay in golaha wasiirrada ay si weyn u soo dhaweeyeen una ogolaadeen in safaaradaha Soomaaliya ee dibadda lagu soo koobo tiradooda 31 safaaradood, dublamaasiyiinta ka howlgalana iyagana lagu soo koobo min seddex xubnood, iyagoo noqonayan 93-xubnood.
  35. Luuliyo 30, 2014: Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa heshiis taariikhi ah oo maamul loogu dhisayo gobollada dhexe ee Soomaaliya ugu qabtay magaalada Muqdisho ergooyin ka socday Maamullada Galmudug, Ximan iyo Xeeb, Ahlusunna Wal-jamaaca, iyo Hoggaamiyaal dhaqan, waxaana heshiiska goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh.
  36. Luuliyo 31, 2014: Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland xiriirkii u jaray Dawladda Federaalka Soomaaliya kadib markii maalin ka horeysay Muqdishu lagu dhisay maamul loo sameeyo Galmugud.
  37. Agoosto 4, 2014: Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa kulan la qaatay saxiixayaasha hishiiska maamulka sedexda gobol ee Koonfur Galbeed ee Soomaaliya kaasoo ujeedkiisu ahaa in lagu sagootiyo xubnaha guddigan oo dib ugu noqonaya magaalada Baydhabo si ay u guda galaan howsha loo igmaday.
  38. Agoosto 22, 2014: Ra’iisal wasaaraha oo safar ku joogay dalka Kenya ayaa gaaray xerada qaxootiga Dhadhaab, halkaas oo ay ku nool yihiin qaxooti Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 5 boqol oo kun oo qof. Waa mas’uulkii ugu horeeyey oo xilkaasi haya oo booqdey xerada qaxootiga ee Soomaalida ugu badan ay ku jirto.
  39. Agoosto 29, 2014: Heshiis-kii ayaa la dhex dhigey Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe, waxaa ka shaqeeyay Wasiiro ka mid ah xukuumadda Cabdiwali sida Faarax Sheekk iyo Cabduulahi Godax Barre, Xalane. Heshiiskani ayaa waxaa lagu soo afjaray dagaalo muddo sanad ah u dhaxeeyey maamulka KMG ah ee Jubba iyo ciidamo taabacsanaa Barre Hiiraale.
  40. Agoosto 30, 2014: How-galka Badweynta Hindiya ayaa biloowdey, Howlgalkan oo Amisom iyo Dowladda Fedraalka ay ku qaadeen goobo ay heysato Al-shabaab ayaa wax ka badalay xiriirka dowladda iyo Gobolada.
  41. Agoosto 13, 2014: Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, tanina waxa ay ahayd booqasho taariikhi ah iyagoo ujeedkoodu ahaa in ay eegaan horumarka ay gaartay Dowladda Federaalka oo kaalmo ka helaysa beesha caalamka iyo si ay u muujiyaan taageerada ay had iyo jeer u hayaan dadaalka uu dalku ugu jiro sidii uu kusoo ceshan lahaa dowladnimada.
  42. Sabteembar 09, 2014: Wasiirada ayaa meel mariyay xeerka Saxaafadda.
  43. September 7, 2014: xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday taliyihii nabad sugidda dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
  44. Sabteembar 9 , 2014: Ra’iisul wasaaraha C/weli Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa si rasmi ah uga furay Baydhabo shirweynaha dib-u-heshiisiinta gobollada Koonfur-Galbeed Soomaaliya, kaasoo socon doona 45 cisho, wuxuuna shirkani markii dambe horseedey Nofeembar 17, 2014, Sharif Xasan loo doorto Madaxweyanaha Sedexada Gobol.
  45. September 21, 2014: Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa si rasmi ah ula wareegtay hawsha dekada Magaalada Muqdisho. Munaasabadii howsha dekada shirkadan ay kula wareegaysay waxaa ku sugnaa xubno ka socday xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Shirkada Al-bayrak ayaa gebi ahaan la wareegtay maamulka dekeda Muqdisho.
  46. Sabteembar 25, 2014: Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiiska Ilaalinta ee Xuquuqda Carruurta.
  47. Aktoobar 14, 2014: Heshiiska ayaa waxaa magaalada Garoowe ku kala saxiixdeen dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu wakiil ka ahaa Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed iyo maamulka Puntland.
  48. Aktoobar 15, 2014: Maamullada kala ah Galmudug, Ximan & Xeeb iyo Ahlusunna Waljamaaca ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegey in heshiiskii Garoowe aysan iyagu aqbalsanayn .
  49. Aktoobar 25, 2014: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah golahiisa wasiirada, waxaana xilalkooda loo kala wareejiyay wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno ka mid ah xukuumada Soomaaliya
  50. Aktoobar 25, 2014: Madaxweynaha ayaa kasoo horjeestay isku shaandheyn kooban oo lahu sameeyay golaha Wasiirada.

Halkaan Hoose ka dhageyso Maqalka Warbixintaan

Goobjoog News