U bood dhigaalka

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta “ 90% Waan Dumineynaa Biraha Isgaarsiinta ee Dalka”

isgaarsiinta SoomaaliyaWasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo baarlamaanka Soomaaliya horgeysey xeerka isgaarsiinta ayaa sheegtey in ay go’aansadeen in biraha dhaadheer ee tirada badan ee shirkadaha isgaarsiinta dalka ka surteen aanan loo baahneyn, islamarkaasina ay halis galin karaan badqabka dadka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda ayaa  sheegey in dhamaan shirkadaha ay arrintani kulan kala yeesheen, islamarkaasina isku qanciyeen in xeer hoosaad laga soo saaro in hal bir ay wada isticmaali karaan shirkado dhawrah.

Halista ka iman karta taawarada ama biraha siinka ee isgaarsiinta waxaa ka mid ah shucaac iyo qalqal imoowjado oo ay sameyn karaan iyo waliba in ay soo dumi karaan kadibna dad iyo hanta waxyeeleyn karaan.

Dhanka kale wasiir ku xigeenka oo ka hadlayay xeerka isgaarsiinta ayaa sheegey in dhamaan wicitaanada taleefoonada ee dibada iyo gudahaba daqiiqadii laga qaadi doono canshuur go’an.

Mar uu ka hadlayay muhiimadda xeerka ayaa waxa uu sheegey wasiirka in la’aanta heerkani ay kaliftey Soomaaliya aysan heysanin mahadada qadka dayacgacmeedka ay ku maamuli lahayd, islamarkaasina aysan soo iibsan karin maadaamaa shuruuda ku xiran ay tahay in dalka laga iibinayo ay tahay in uu leeyahay xeerka isgaarsiinta.

Tani waxa ay horseedey in hawada Soomaaliya ay dayacantahay, islamarkaasina cid kasta oo kale ay kusoo xadgudbi karto ama shucaac ku furi karto haddii la doono.

Qodobada uu sharciga ka hadlayo waxaa ka mid ah sameynta gudiga qaran ee isgaarsiinta oo isaga bixiya ruqsadaha shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa kale ee hawada isticmaala. Waxaa kale oo uu xeerka ka hadlayaa illaalinta iyo xifdinta xogta shaqsiga ah, kala maareynta moowjadaha iyo hirarka ay isticmaalaan raadiyeyaasha.

Sharciga ayaa fududeynaya maalgashiga , gaar ahaan shirkadaha shisheeye in ay dalka maalgashadaan.

Wasiir ku xigeenka waxa uu sheegey in xeerkani isgaarsiinta haddii uu dhaqangalo uu kaalin weyn ka qaadan doono kobcinta dhaqaalaha dalka iyo miisaaniyadda dowladda maadaamaa uu dakhli badan kasoo xaroonayo.

Xeerka ayaa maalintii isniinta maray akhrinta koowaad, waxaana u dhiman labo akhrin oo kale ka hor inta aanan loo codeynin, waxana uu ka midyahay xeerarka muhiimka ah ee baarlamaanka horyaala.

SIXITAAN

Warkani waxaan markii hore faafiney in wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta uu hadal ka jeediyey baarlamaanka, halkaasi sidaasi ma ahayn, waa wasiir ku xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta, raaligalin ayaanan ka bixineynaa

Goobjoog News