U bood dhigaalka

Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha oo Si Rasmi ah Loo Xirey

Sheeko:Dalka

Khadiijo Maxamed DiiriyeSii hayaha wasaaradda haweenka iyo xuquuqda aadanaha Khadiijo Maxamed Diriye ayaa maanta shir jaraa’id ka sheegtey in gabi ahaanba ay albaabada isugu dhufatay wasaaradda , islamarkaasina qaadatay furayaashii wasaaradda.

Waxa ay sheegtey in wali uu xiranyahay agaasimihii guud ee wasaaradda Maxamed Cumar, islamarkaasina ay socoto hawl loogu xadgudbayo dokumeendiga wasaaradda iyada la xadayo waraaqaha sirta ah, saxiixa iyo waliba tiimbaraha wasaaradda, si beey tiri loo xoojiyo dacwadda loo heysto agaasimaha iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda.

Waxa ay ku eedeysey Xeer Illaaliyaha Guud Axmed Daahir oo ay sheegtey in xariga agaasimaha uusan u marin wadadii sharciga ahayd, walina diidanyahay in uun soo bandhigo galkii dacwadda lagu heystey agaasimaha.

“La taliyaha xagga sharciga ee wasaaradda Baarliin Maxamed Cadami ayaa soo damiinatay agaasimaha, waxaa kale oo ay u qabatay qareen u dooda, balse qareenada waxa ay codsadeen in la siiyo galka dacwadda oo illaa hadda la diidanyahay in nala tusiyo” ayay tiri wasiiradda.

Waxa ay sheegtey in amarka lagu xirey agaasimaha uu bixiyey Xeer Illaaliyaha, arrinkaasina uu iyada u xaqiijiyey taliye ku xigeenka nabad suggida qaranka Cabdalla Cabdalle.

Waxay Khadiijo sheegtey in aysan diidanayn in baaris la sameeyo, balse kaliya ay diidanyihiin wax ay ku tilmaamtay cago jugleyn iyo ku xad gudub xuquuqda aadanaha.

Dhanka kale waxa ay sheegtey in maanta (Arboco) ay wasaaradda baaris u tageen 4 sargaal oo ka tirsan xafiiska Hanti Dhawrka Guud, kuwaasi oo ay sheegtey in ay baarayeen agaasimaha maamulka iyo shaqaalaha wasaaradda Maxamed Cabdulaahi Cali.

Khadiijo ayaa tibaaxday in wasaaradda ay xirnaan doonto illaa inta gudi dhex dhexaad ah ay soo kala dhex galayaan wasaaradda iyo xafiiska xeer illaaliyaha guud iyo hanti dhawrka, lagana saxayo waxyaabaha qaldan.

Wasiiradda ayaa sheegtey in wasaaradeeda hawlaha ay qabatay dal iyo dibadba laga tixgaliyey, lagana ogyahay, balse ay jiraan dad “Libin xasad ah” sida ay hadalka u dhigtey.

Arrintani ayaa waxa ay la xiriirtaa baaritaano musuq oo ay wadaan xafiisyada Xeer Illaaliyaha Guud iyo Xafiiska Hanti Dhawrka Guud, iyada oo Xeer Illaaliyaha Guud Axmed Daahir uu baarlamaanka ka hor sheegey in 19 wasaaradood iyo 3 hey’adood oo qaran ay ku heleen musuqmaasuq baahsan.

Dhageyso

Goobjoog News