U bood dhigaalka

Xuseen Cabdi Xalane “Cumar Cabdirishiid Waa Saaxiibkeey, Xilka Waan Ka Qabanayaa Xukuumadiisa”

Sheeko:Dalka

Xuseen Cabdi XalaneXuseen Cabdi Xalane oo ah sii hayaha wasiirka maaliyadda, islamarkaasina ka mid ahaa raggi aadka loogu filayay in loo magacaabo xilka Ra’isulwasaarenimada ayaa u hambalyeeyey Cumar Cabdirishiid Cali Sharma’arke oo tartanka kaga guuleystey.

Xuseen oo hadal ka jeediyey munaasabad ay soo qabanqaabiyey xildhibaano iyo dad kale oo olole ugu jirey in isaga xilkaasi loo magacaabo ayuu sheegey in uu aqbalay codsi loosoo jeediyey oo ahaa in uu ka mid noqdo golaha wasiiradda kadib markii ay soo baxdey in Xalane dowladda isaga tagayo.

Xalane ayaa sheegey in isaga aysan deeqeynin wax ka yar Soomaalinimo, islamarkaasina ay u taalo shaqo adag oo nasiino la’aan ah illaa inta laga soo celinayo sharaftii iyo dowladnimadii Soomaaliya.

Waxa uu tiriyey gabay uu u mariyey calanka Soomaaliya kadib markii uu arkay calan meel ka suran oo jeexjeexmay.

Dhageyso

Goobjoog News