U bood dhigaalka

Dhageyso: Warbixin Ku Saabsan Canshuur Qaadista Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

kushilinCanshuur waa lacag laga qaado bulshada, taas oo dib ugu soo laabta dadka hadii loo maareeyo sidii loogu tala galay.

Canshuurta waxaa qaada dowladda, waxaana lagu meel mariyaa adeegyada Bulshada, sida dhismayaasha wadooyinka, caafimaadka, Waxbarashada iyo waxyaabo kale oo dadka muhiim u ah.

Wixii ka dambeeyay bur burkii dalka waxaa meesha ka baxday haykalkii dowladnimo, bixinta canshuurta iyo sidoo kale arimo kale oo dalka sabab u noqday in uu bur buro.

Dalka hadda waxaa ka jirta dowlad aan KMG ahayn, waxaana sidaa oo ay tahay meelo badan oo dalka ah laga qaadaa lacag canshuur ah taas oo ilaa iyo xilligaan aanay muuqan wax bulshada loogu qabtay.

Dadka qaar waxa ay diidaan in canshuurta ay bixiyaan sabana waxa ay uga dhigaan in aanay jirin wax shacabka loogu qabtay.

Wariyaheena Gobalka Shabeelaha Hoose Maxamed Cabdi Xasan Afgooye ayaa soo diyaariyay Warbixintaan oo ka hadlaysa arimo badan oo canshuurta ka mid ah.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News