U bood dhigaalka

Hoos u Dhac Ku Yimid Qiimaha La Kala Siisto Xoolaha Nool Ee Suuqyada Magaalada Gaalkacyo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

XoolahaHoos u dhac ayaa xilligaan waxaa laga dareemayaa qiimaha la kala siisto xoolaha nool ee suuqyada magaalada Gaalkacyo, iyadoo arintaan sababteeda ka hadleyn ganacsatada halkaasi ku sugan.

Waxa ay sheegeen Ganacsatada xoolaha nool ku iibiya Gaalkacyo in xilliyadan oo kale si aad ah loo kala iibsado Ariga oo ah midka hilibkiisa loogu isticmaal badan yahay Gobolka Mudug.

Intaa waxa ay warkooda ku dareen Ganacsatadan in hada suuqa la keenay arigii ugu badnaa oo laga kala keenay Degaanada Gobolka Mudug.

Mid ka mid ah ganacsatadaan oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in xilliga roobka ay aad usoo raqiisaan, sababtana waxa uu ku sheegay xoolaha oo hela naq ku filan iyadoona suuqa xoolo badan la keeno.

“Xilliga Jiilaalka xoolaha waa qaali waayo aad ayeey u yaraadaan, marka roobka da’o xoolahana ay helaan daaq wanaagsan dhiig ayeey yeeshaan suuqana waa la wada keenaa, waxaana hadda qiimo ahaan xilligii hore iyo xilligaan waxaa u dhaxeeya lacag dhan 500 Kun Shilin Soomaali ilaa iyo 600 Kun Shilin Soomaali” ayuu yiri Ganacsadahaan

Xilli walba isdebal ayaa ku yimaada qiimaha la kala siisto xoolaha nool guud ahaan suuqyada dalka Soomaaliya, waxaana jira xilliyada qaar oo si aad ah u qaaliyoobaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News