U bood dhigaalka

Shacabka Baladweyne Qaarkood Oo Aragti Kala Duwan Ka Dhiibtay Magacaabista Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

BaladweynQaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa aragti kala duwan ka dhiibtay magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali.

Dadkaan qaarkood ayaa sheegay in Cumar Cabdirashiid laga yaabo in wax badan uu dalka ka qabto, islamarkaana uu wax badan ka ogyahay meel walba oo dul duleel ka imaan karo maadaama uu horay xilkaan usoo qabtay.

Qaar kale oo dadkaan ka mid ah waxa ay qabaan aragti ah in aanu waxba soo kordhin doonin, islamarkaana uu la mid noqon doono mas’uuliyiiintii ka horeysay waa sida ay hadalka u dhigeen.

Shalay ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xilka Ra’iisul wasaaraha usoo magacaabay Cumar Cabdirashiid oo horay Ra’iisul wasaare uga soo noqday dowladii KMG ahay, waxaana uu noqonayaa Ra’iisul wasaarihii Sedaxaad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka dhageyso Aragtida Shacabka Baladweyne.

Goobjoog News