U bood dhigaalka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan Oo Maanta Soo Magacaabaya Wasiirada Maamulkiisa (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

ShariifkaWaxaa la filayaa in saacadaha soo aadan madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu soo magacaabo wasiirada maamulkiisa, iyadoo warbaahinta looga yeeray Xarunta Madaxtooyada maamulkaasi ee Baydhaba.

Wariyaha Goobjoog Fm Aadan Geeseey oo ka mid ah wariyaasha halkaasi ku sugan ayaa soo sheegaya in goobtaasi lagu arkayo xubno ka mid ahaa maamulkii Madoobe Nuunoow ee heshiiska la gaaray maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirada uu soo magacaabi doono Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa noqon doona kuwo awood qeybsi ah, sida ay ku heshiiyeen maamulka Koonfur Galbeed iyo Midkii Lixda Gobal ee uu sheeganayay Madoobe Nuunoow.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhawaan loo doortay madaxweynaha Koonfur Galbeed ka dib doorasho ka dhacday magaalada Baydhaba, waxaana xafladii caleema saarkiisa ka qeybgalay madax sare oo dowladda Federaalka iyo beesha caalamka ka socday.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Warkaan Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News