U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Caabudwaaq Oo Rajo Ka Muujiyay In Degmadaasi Ku Soo Laaban Dagaalada Sokeeye (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Caabudwaaq ee gobalka Gal-gaduud ayaa rajo ka muujiyay in mar kale aanay degmadaasi iyo nawaaxigeeda dib ugu soo laaban dagaallo u dhaxeeya dadka wada dega halkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka degmadaasi Khaliif Cabdisamad oo u waramay Goobjoog Fm, waxa uu sheegay in beelihii dhawaan ku dagaalamay degmada Caabudwaaq ay si wanaagsan ugu qanceen qodobadii kasoo baxay wada hadalkii la dhex dhigay.

Waxa uu sheegay in nabadeenta colaadii ka taagneed degmadaasi ay meelo fog uga yimaadeen wax garad uu sheegay in muddo halkaasi aysan imaan, taasna daliil ay u tahay in mar kale dhibaato aysan dhex imaan dhinacyadii dagaalamay.

“Marba hadii aan kuu sheegay dad aan meesha tagi jirin hadii ay tageen, waxaa cad sida raaliga looga yahay heshiiskaan, mar kalena dadkaan walaalaha ah aysan wax dambe oo colaad ah soo kala dhex galin”

Odayaal iyo siyaasiin ayaa dhawaan ku baxay dagaal beeleed ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobalka Gal-gaduud, kaa oo qasaare soo gaarsiiyay dad badan oo shacab ah.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News