U bood dhigaalka

Wasiirada Maamulka Puntland Oo Isugu Yimid Kulan Looga hadlayay Amaanka (War-saxaafadeed)

Sheeko:Dalka

PuntlandGolaha wasiirada ee maamulka Puntland ayaa maanta kulan looga hadlayay amaanka waxa ay ku yeesheen magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal, halkaasi oo qodobo laga soo saaray.

Kulanka maanta waxaa shir gudoominayay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Cameey, waxaana arimaha laga hadlay ka mid ah dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday gobalada Sool, iyo Karkaar.

Waxaa ciidamada maamulka Puntland lagu amray in deg deg ay uga howlgalaan dhamaan deeganadaan ay ka dhaceen dagaal beeleedka, islamarkaana dhinacyada dagaalamaya miiska nabadda la’isugu keeno.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka laga soo saaray Shirka Wasiirada Puntland.

Warsaxaafadeed

Goobjoog News