U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Jubba Oo Ka Shiray Xiriirka Labada Dhinac (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa halkaasi waxa uu kulan kula yeeshay madaxda maamulka KMG ee Jubba.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Jubba Ibraahim Xasan Cabdi oo u waramay Goobjoog ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta Jubba ay ka wada hadleen arimo badan oo ku saabsan xiriirka Dowladda iyo Jubba.

“Waxaa laga wada hadlay arimo ku aadan xiriir dowladda Federaalka iyo maamulka Jubba sidii loo xoojin lahaa, maadaama wadanka uu yahay Federaal, sidii loo wada shaqeyn lahaa, waxaana madaxweynaha waxa uu ku baaqay in la dhameystiro maamulka Jubba, laga wada shaqeeyo  amaanka” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta maamulka Jubba.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale waxa uu kulamo la yeeshay sarkiisha ciidamada AMISOM ee halkaasi ku sugan oo arimo badan ay ka shireen, isaga oo dhanka kale ka qeybgalay munaasabadda lagu sagoontinayey ciidamada Siera Leone ee dalka Joogay.

Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Magaalada Kismaayo ayaa noqonaya kiisa Sedaxaad tan iyo markii loo doortay xilka madaxweyne. Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News