U bood dhigaalka

Madaxweyne Xassan “Ciidamada Sierre Leone Soomaaliya Kama Aysan Lahayn Ajande Siyaasadeed”

Sheeko:Dalka

kismaayoMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta sagootinayay 850 askari oo ka socda dalka Sierre Leone, kuwaasi oo dalkooda ku laabanayay ayaa ku amaanay ciidamada abaalkii ay u galeen Soomaaliya.

Waxa uu sheegey in ciidamada Sierre Leone aysan Soomaaliya ka lahayn wax ajande siyaasadeed iyo mid dhaqaale toona, kaliyana ujeedkooda uu ahaa in ay xasiliyaan Soomaaliya ka shaqeeyaan.

Waxa uu madaxweynaha farta ku fiiqey in labada dal ay isku taariikh egyihiin dhanka dagaalada sokeeyo, iyada oo Soomaaliya ay cashar wanaagsan ka baran karto dalka Sierre Leone sida uu dagaaladii oga soo kabsaday, maantana ciidamo nabad illaalin ah ugu soo direy Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay xanuunka Ebola ee ah sababta ugu weyn ee ciidamada oga laabanayaan Soomaaliya ayuu sheegey in Soomaaliya ay la wadaagto xanuunka iyo dhibaatada uu dalkaasi u geystey xanuunka Ebola.

“Hadiyadda ugu qaalisan ee qof bixin karo waa naftiisa, idinkuna taas ayaad na siiseen, aad ayaanan idiinkaga mahadcelineynaa” ayuu yiri madaxweynaha oo intaasi ku daray in ciidamada baxaya ay noqdaan safiiro bulshada Sierre Leone dhexdeeda oga matala Soomaaliya, kana gudbiya fariimaha wanaagsan ee ay barteen.

Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam oo isna madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyey ciidamada Sierre Leone, kuna tilmaamay walaalo dhiigooda u hurey sidii dadka Soomaaliyeed ay nabad iyo dowladnimo u heli lahaayeen.

Wuxuu u duceeyey in illaahay dalka Sierre Leone uu ka saaro cudurka Ebola, isaga oo rajeeyey in Soomaaliya oo barwaaqo ah iyo Sierre leone oo caafimaad qabta ay ciidamadani iyaga oo dalxiis ah kusoo laaban doonaan Soomaaliya.

Wuxuu sheegey in uu rajeynayo in la mataaneyn doono magaalada Free Town ee caasimadda Sierre Leone iyo Kismaayo oo Soomaaliya ah, islamarkaasina adkeyn doono xiriirka labada dal.

Sargaalka ugu sareeya ciidamada Sierre Leone oo madasha ka hadlay ayaa sheegey in ay aad oga niyad xunyihiin in ay Soomaaliya ka tagaan, balse ciidamada ay ku faraxsanyihiin in ay qoysaskooda la kulmaan, hase yeeshee cudurka Ebola dartiis aysan u suurogalaynin in ay qoysaskooda dhexgalaan.

Wuxuu sheegey in 9-kii bishii Feberaayo 2012-kii, in dowladda Sierre Leone iyo Midoowga Afrika kala saxiixdeen heshiiska in ciidamada nabad illaalin ah usoo diraan Soomaaliya, wuxuu intaasi ku darey in dowladaha Maraykanka iyo Britain ay bixiyeen saanadii ciidan.

Mar uu ka hadlayay qasaaraha gaarey intii ay Soomaaliya joogeen ayuu sheegey in hal askari oo kaliya looga diley Soomaaliya, lix kalana looga dhaawacay, iyo kuwa iskood u dhintey.

Ciidamada Sierre Leone ayaanan kusoo laabanaynin Soomaaliya, islamarkaasina gabi ahaanba ka baxay wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya kadib markii dalkaasi uu ka dilaacay cudurka Ebola, islamarkaasina ay adkaadey in la helo ciidamo cudurka ka bad qaba in ay badalaan askartii Soomaaliya joogtey oo iyagu dalka ku sugnaa wax ka badan intii ku talogalka ahaa.

Ciidamo ka socda Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay badalaan kuwa Sierre Leone ee baxay.

Goobjoog News