U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Kulan Looga Hadlayay Amniga Oo Ka Dahacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Xasan Sheekh MaxamuudMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ahaa waxa uu ka qeybgalay kulan balaaran oo looga hadlayay amniga guud ee dalka, kaa oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankaan waxaa kaloo ka qeybgalay taliyaasha ciidamada qalabaka sida ee dowladda Federaalka iyo saraakiil ka mid ah AMISOM.

Waxaa kulanka uu ahaa mid diiradda lagu saarayay arimaha amniga dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada dowladda sameeyeen, iyo sidoo kale waxaa la sagoontiyay taliyahii ciidamada AMISOM.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku amaanay ciidamada amniga sida ay wax uga qabteen xaaladda amni, iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada dowladda ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay saraakiisha iyo ciidamada dowladda Federaalka ah in ay u istaagaan sii xoojinta amaanka, iyo sidoo kale in dalka ay dib ugu soo celiyaan xasiloonidii lagu yaqaanay.

Goobjoog News