U bood dhigaalka

Cabdi Qeybdiid oo Ku Dhawaaqay in uu Yahay Musharax Madaxweynenimada Gobolada Dhexe ( Dhageysi +Sawirro)

Sheeko:Dalka

DSC02804Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta meel fagaaro ah kaga dhawaaqay in uu yahay musharax madaxweynenimo gobolada Dhexe oo loo dhisayo maamul goboleed.

Cabdi Cawaale Qeybdiid ayaa ka sheekeeyey waxqabadkiisa intii uu ahaa madaxweynaha Galmudug, isaga oo farta ku fiiqey in uu dib u hawlgaliyey xarumihii dowladda sida Madaxtooyada, Dhismaha Baarlamaanka, Dhismaha Guriga Odayaasha, dhismaha Garoonka Cabdullaahi Ciise Maxamuud iyo meelo kale.

“Degmada Hobyo boqolkiiba 60% illaa 70% ayaan dhisney goobihii maamulka , waxaa ka mid ah madaxtooyada, xeradii ciidamadda badda, saldhigga booliska, guriga taliyaha qeybta, iyo isbitaalka degmada” ayuu yiri Qeybdiid.

Wuxuu intaasi ku darey in waxyaabihii u qabsoomi waayay uu dhameystiri doono haddii dadka gobolada dhexe ay u doortaan xilka madaxweynenimo, wuxuuna ka codsaday in ay codkooda siiyaan.

“Haddii aad I doorataan waxaan balanqaadayaa in muddo 2 sanno gudaheed ah aan isbadalo waaweyn kaga sameeyo goboladani” ayuu yiri Qeybdiid.

Dad kale duwan oo goobta ka hadlay ayaa sheegey in ay taageersanyihiin musharaxnimada Cabdi Qeybdiid, iyada oo midkood dadkii hadalka jeediyey uu ku kaftamay “Gabar ayaa laga sheegey waxaan hubaan hayaa”.

Musharixiin dhawr ah ayaa isu soo taagey xilka madaxweynenimada gobolada dhexe, waxaana ka mid ah ku xigeenka Cabdi Qeybdiid mudane Cabdisamad Guuleed.

Dhageyso

 

DSC02803 DSC02804 DSC02808 DSC02811 DSC02813 DSC02819 DSC02822 DSC02827 DSC02828 DSC02829 DSC02830 DSC02833 DSC02834 DSC02839

Goobjoog News