U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Hodon Oo Sheegay in Shaqooyin Loo Abuuray Dhalinyarada Danta Yar Ee Degmadaasi ku Nool (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

HodanMaamulka degmada Hodon ee gobalka Banaadir ayaa sheegay in shaqo abuur wanaagsan loo sameeyay qaar ka mid ah dhalinyarada kasoo jeeda qoysaska danta yar ee ku nool degmadaasi.

Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada iyo Siyaasada ee degmada Hodon Maxamuud Cali Xasan oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in dhamaan goobaha waxbarasho iyo kuwo ganacsi ay kaalin ka qaateyn sidii dhalinyaradaasi loo shaqaaleysiin lahaa.

Waxa uu tilmaamay in degmada ay ku sugnaayeen dhalinyaro aad u badan, hase ahaatee ka maamul ahaan ay isku dayeen in badi baahidooda la daboolo baahidooda shaqo, loona raadiyo shaqooyinka ay qaban karaan.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa hadalkiisa ku daray in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada ay kaalin xoogan ka qaadan karto horumarka degmada, islamarkaana isbedal badan oo dhaqaale la dareemi karo.

Dhinaca kale Maxamuud Cali Xasan ayaa soo hadal qaaday arimaha amniga iyo nadaafadda degmada Hodon, waxa uu tilmaamay in amniga uu yahay mid la’isku halayn karo, oo Waax walbo xarun ay ku leeyihiin ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dhanka nadaafadda ay kaalin xoogan ka qaataan dadka shacabka ah, islamarkaana habeen iyo maalin ay wadaan nadiifinta wadooyinka degmada Hodon.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News