U bood dhigaalka

Dabaal Degga 71-sano Guuradii Kasoo Wareegtay Aas Aaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Oo Muqdisho Ka Socda

Sheeko:Dalka

BooliisMagaalada Muqdisho waxaa maanta looga dabaal degayaa 71-sano guuradii kasoo wareegtay marki la aas aasay ciidamada Booliska Soomaaliyeed, taa oo Sanad Walba la xuso.

20-ka December 1943 ayeey ku beegneed markii si rasmi ah loo aas aasay ciidamada Booliiska, waxaana munaasabad maalintaan loogu dabaal degayo haatan ay si toos ah uga soctaa Dugsiga Tababarka Booliiska ee Jeneraal Kaahiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadaan ka qeyb galay, isaga oo halkaasi Salaan sharaf uu uga qaatay ciidamada Booliiska.

Amaanka Guud ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Dugsiga Tababarka Booliiska ee Jeneraal Kaahiye ayaa ah mid aad loo adkeeyay, iyadoo wadooyinka qaar ay xiran yihiin.

Dhanka kale qaar ka mid ah gobalada dalka waxaa ka soconaya munaasabado la xiriirta maalintaan, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay uu socday diyaar garowga xuska maalintii la aas aasay ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Warkaan oo faah faahsan kala soco wararkeena kale