U bood dhigaalka

Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Axmed Siilaanyo oo Maanta u Wada Dhoofay Jabuuti

Sheeko:Dalka

JabuutiWaxaa maanta magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa ka kala duuley madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kuwaasi oo madal ku leh magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Kulanka Jabuuti ayaa labada mas’uul ay ku kala saxiixanayaan bilaabashada wareegii labaad ee wadahadalada u dhaxeeya labada dhinac, kuwaasi oo furmaya bisha janaayo ee sanadka soo socda.

Dowladda Turkiga oo wadahadaladaasi hormuud ka ah ayaa goobjoog ka ah saxiixani , waxaana xusid mudan in wadahadalada ay kasii soconayaan dalka Turkiga.

Jabuuti ayaa kaliya martigalineysa shirkani gaaban ee lagu saxiixayo bilaabashada wareegga labaad ee wadahadalka labada dhinac.

Horey wadahadalada ayaa waxaa loogu gaarey heshiisyo isfaham ah oo ku kooban isweeydaarsiga macluumaadka sirdoonka, isu socodka gaadiidka iyo waxyaabo kale oo yar yar, balse natiijada ugu dambeysa ee wadahadalada laga doonayo ayaa midnimada Soomaaliya iyo sidii hab sharciyeysan oo la’isku ogyahay loo wada shaqeyn lahaa.

Somaliland ayaa 20-kii sano ee burburka dooneysey in ay dalka ka go’do, balse ma jiro hal dal oo adduunka ka tirsan oo aqoonsaday Somaliland, iyada oo dhamaan dowladihii Soomaaliya soo marey xiligaasi ay ku adkeysanayeen in Soomaaliya aysan kala go’in.

Goobjoog News