U bood dhigaalka

Dhul Balaaran oo La Siiyey Dad Barakacayaal ah, Si Dib U Dajin Loogu Sameeyo Magaalada Boosaaso

Sheeko:Dalka

BoosaasoMaamulka Puntland ayaa maanta guddoomey dhuyl dhan 2 kiilo mitir kaasi oo ay ku deeqeen labo shaqsi oo ku nool magaalada Boosaaso, waxaana dhulkaasi loogu talogalay in la dajiyo dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaaladaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha, dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Puntland Axmed Cilmi Karaash oo dhulkani guddoomey ayaa labadii shaqsi ee dhulka bixiyey oo lagu kala magacaabo Sharma’arke Ugaas Yaasiin iyo Bashiir Askar aad ugu mahadceliyey.

Waxa uu dhanka kale hey’adaha gargaarka iyo dadka kalaba ka codsaday in dadkani guryo loo dhiso six al waara loogu helo dadkani.

Wasiirka ayaa dadka Boosaaso iyo guud ahaan dadka Puntland ku amaanay soo dhaweynta ay u sameeyeen dadka usoo qaxay.

Goobjoog News