U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidama oo 10 Sano oo Xarig ah Ku Xukuntey Askar Badan oo Isbaaro Dhigtey Afgooye

Sheeko:Dalka

AfgooyeMaxkamadda ciidamada qalabka sidda  ayaa maanta xukun ku ridey illaa iyo 10 askari kuwaasi oo lasoo qabtay iyaga oo isbaarooyin dhigtey meelo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Maxkamadda ayaa raggani ku eedeysey in ay dhac baahsan iyo isbaaro dhigasho, iyaga oo iibsaday baabuur yaryar iyo mootooyin kuwaasi oo ay ku ceersadaan gaadiidka dadweynaha, kadibna kusoo dhacaan.

Dad marqaatiyo ah iyo kuwa dhibanayaal ah ayaa maxkamadda horteeda ka sameeyey qiraal, kuna cadeeyey in ragga lasoo eedeeyey oo ah 13 askari ay 10 ka mid ah dambiga geysteen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Xasan Cali Nuur Shuute ayaa 10 sanno oo xarig ah ku xukuntey 10 ka mid ah askarta oo magacyadooda kala yihiin

 

  1. Shariif Axmed
  2. Cabdullaahi Cali Xassan
  3. Cabdullaahi Xuseen Maxamuud
  4. Xasan Maxamuud Gacal
  5. Muumin Maxamed Cabdulle
  6. Cabdullaahi Xassan Maxamuud
  7. Maxamed Maxamuud xaashi
  8. Biif Maadeey Aboow
  9. Cabdullaahi Maxamed Macoow
  10. Ibraahim daahir axmed

Waxa ayse maxkamadda fasaxday 3 askari oo dambiga lagu waayay , waxayna magacyadooda kala yihiin

  1. Axmed Cabdiqaa
  2. Xasan Maxamed
  3. Dayax Geeseey

Intii muddo ah waxaa gobolka Shabeelaha Hoose laga cabanayay isbaarooyin iyo dhac lagu eedeeyey ciidamo ka tirsan dowladda, iyada oo isku dayo badan oo isbaarooyinka lagu qaadayo ay miro dhal noqon waayeen.

Hase yeeshee maxkamadda ciidamada ayaa laga rajo qabaa in ay wax ka qabato isbaarooyinka.

Dhageyso

Goobjoog News